DF Soomaaliya oo soo bandhigtay qorshe ka dhan ah Al-Shabaab

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka qayb galay kulan duco ah oo lagu xusayay dadkii ku dhintay weerarkii Soobe ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xuska 14 oktoobar ayaa sheegay in qoys walba oo Soomaaliyeed ay gaartay dhibaatada ka dhalatay falkaas murugada leh ee ay ku shahiideen boqollaal muwaadiniin ah oo u taagnaa dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.

Rooble oo ay ka qeybgalka ku wehliyeen mas'uuliyiin kale oo wasiiro iyo Xildhibaano isugu jiraan ayaa culimada ugu baaqay in bulashada ay ku hagaan sidii loo dabar jari lahaa fikirka xagjirka.

“Culimada Soomaaliyeed waxa ay kaalin muhiim ah kaga jiraan bulshada, sidaas awgeed waxaan ka codsanayaa inay xoojiyaan dadaalkooda ay kaga wacyigeliyaan halista fikirka argagixisada, si ubadkeenna wax ka barta madaarista quraanka loogu barbaariyo qiyamka udub-dhexaadka u ah diinteenna iyo in bulshada Soomaaliyeed u iftiimiyaan sida argagaxisadu ay sawirka xun uga bixinayso diinta”.

Xukuumadda cusub ee uu soo magacaabi doono ayuu carabka ku adkeeyay in ay ka shaqeyneyso sidii dib u eegis ugu sameyn lahayd siyaasadeeda ku wajahan la dagaalanka maleyshiyada Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tilmaamay in Dowladda ay xoogga saareyso tayeynta ciidanka, si ay uga ciribtiraan guud ahaan dalka kooxaha argagixisad ah ee u taagan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Inta la xaqiijiyey 700 ruux oo u badan shacab ayaa ku naf-waayey, in ka badan tiradaas way ku dhaawacmeen, halka qaar kalana ay ku naafoobeen dhacdadaas oo lagu eedeeyay xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM