Xukuumadda oo u jawaabtay Midowga Musharaxiinta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay ka jawaabtay codadkii ugu dambeeyay ee kasoo yeeray Midowga Musharaxiinta ka gedaal markii uu dhamaadey muddo xileedkii dastuuriga ahaa ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo].

Maxamed Ibraahim Macalimuu, afhayeenka dowladda waqtiga ka dhacay oo u waramay barnaamijka subaxnimo ee Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa ku eedeeyay Musharaxiinta in ay abuurayaan "khal-khal iyo xasilooni darro" arrintaas oo uu xusay "in aysan habooneyn".

"Waad ogtahay dowladii Xasan Sheekh wuxuu waqtiga ka dhamaadey September, 2016, waxaana Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la doortey Febraayo, 2017, waqtiga u dhaxeeya halkaas waad ka garan kartaan. Marka waxaa loo baahan yahay in danta shaqsiga ah laga tanaasulo oo midda caamka ah lawada ilaaliyo oo aan shacabka Soomaaliyeed la cabsi-gelin," ayuu Macalimuu ku adkeystay markii wax laga waydiiyey Musharaxiinta.

Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in aysan Farmaajo u aqoonaneyn madaxweynaha dalka wixii ka dambeeya 8-da Febraayo, iyaga oo ku baaqay dhismaha Gole heer Qaran oo ku meelgaar ah kaas oo waddanka ka hirgeliya doorashooyin loo dhan-yahay.

Madaxweyne Farmaajo ayay ku eedeeyeen in uu xukunka ku joogo "inqilaab dadban maadaama uusan wali xilka ku wareejin afhayeenka Golaha Shacabka oo ah sidda dastuurka uu xeerinayo".

Dhanka kale, Macalimuu ayaa ku nuux-nuux-saday in dowladda waqtiga ka dhamaadey ay diyaar u tahay wadaxaajood ay la gasho dhinacyadda dooda ka qaba doorashooyinka. Tani waxay muujineysaa dabacsanaan laga helayo dhanka Hay'adda Fulinta waddanka.

Afhayeenka ayaa isaga oo aan caddeymo xoojinaya sheegashadiisa soo bandhigin wuxuu qaar kamid ah maamulada eedeeyay in ay "hagal-daacinayaan" geed u socodka doorashooyinka "ayna doonayeen in Farmaajo waqtiga ka dhamaado iyadda oo khilaaf xoogan uu taagan yahay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM