Xukuumadda Somalia oo ka hadashay Mooshinka xilka qaadista Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda Federaalka Soomaaliyaa waxay markii ugu horeysay ay ka hadashay Mooshinka xilka qaadista ee ka yaallo Madaxwayne Farmaajo, kaasi oo ay gudbiyeen in ka badan 92 mudane oo Aqalka Hoose.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] oo uwaramay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa ku tilmaamay Mooshinka mid gabi ahaanba buray, isaga oo sigtay Xoghaye Gollaha Shacabka.

Khadar ayaa ku nuux-nuux saday inay tahay talaabo aad u dhibaato badan in xilka laga qaado Madaxwaynaha, inkasta oo uu qiray inay Mudanayaasha xaq u leeyihiin inay soo gudbiyaan soo jeedinta.

Madaxwaynaha ayuu carabka ku dhuftay in marka ay timaado arrimahaan noocaan ah, balse uu noqdo Mooshinka mid sharci ah oo soo maray Habraacii saxda ahaa, talaabada ufuran inay tahay inuu is-difaaco.

“Xilka qaadista Madaxwaynaha waxay qaadan kartaa, muddo sanad ah, sababta oo ah ma sahlana,” ayuu hadalkiisa raaciyay, isaga oo intaas ku daray “Hadii uu sax noqdo, waa inuu is-difaacaa Madaxwaynaha.

Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xili todobaadkaan uu Xoghaye Cabdikariin Buux ka dhawaajiyay in maadaama ay 14 oo kamid ah 92-da Xilldhibaan ee Hindisaha Xilka qaadista Madaxwaynaha keenay ay ka laabteen, uu jabay.

Tani oo ay si wayn uga soo horjeesteen Sharci-dejiyaasha dabada ka riixayo Mooshinka ayaa cirka gelisay xiisadda culus ee ka dhalatay, taasi oo keentay inay is-maandhaafaan Gudoonka, Gudoomiye Mursal iyo madaxda dalka.

Afhayeenka Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo Mooshinka qabtay 9-kii bishaan December, oo tan iyo xilligaasi ku xayirnaa gudaha Madaxtooyadda ayaa kasoo baxay shalay, isaga oo ayiday go’aankiisa.

Villa Soomaaliya iyo xukuumadda ayaa wadada dadaalo lagu burburinayo Mooshinkaan oo ay soo abaabuleen Xilldhibaanadda Mucaaradka xili Khayre uu taageero ka raadiyay wadanka Qadar, oo uu u safray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM