​Xukuumadda Somalia oo ka hadashay siyaasadda Jandarka la xiriirta

Image

MUQDISHU, Somalia- Dowladda Federalka Soomaliya, ayaa maanta ka hadashay dood ka dhalatay siyaasadda haweenka dalka ee la xiriirta Jandarka, taasoo oo ay soo diyaarisay wasaaradda islamarkaana xukuumaddu meelmarisay.

Siyaasaddan ayaa waxaa kasoo horjeestay culimaa'uddiinka Soomaaliyeed kuwaas oo sheegay inay baalmarsantahay diinta Islaamka islamarkaana fududaynayso in lagu xad-gudbo awoodaha EEBBE jideeyay ee Ragga iyo Dumarka u dhaxeeya.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdishu, wuxuuna sheegay in si khaldan loo turjumay siyaasadda haweenka isagoo caddeeyay inaysan meelmarin xukuumaddu qodobo ku xad-gudbaya diinta Islaamka.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta Dowlada Federalka ayaa ku casuumay golaha culumaa’udiinka Soomaaliyeed inay ka soo qeybgalaan shirka toddobaadlaha ah ee golaha wasiirada si ay u ogaadaan xaqiiqda dhabta ah ee sharciga

Dhinaca kale waxaa arrintaasi ka hadashay wasaaradda haweenka Soomaaliyeed, waxaana Agaasimaha Jandarka Sacdiyo Maxamed Nuur oo la hadlaysay Radio Garowe, sheegtay inaysan waxba ka jirin arrinta culimadu ka hadashay iyadoo sheegtay in siyaasaddan diiradda lagu saaray afar qodob oo ay kamid tahay qoondada ay haweenku ka helayaan doorashada waddanka ka dhacaysa 2016.

Siyaasaddan ayaa sidoo kale saamayn xooggan ku yeelatay bulshada Soomaaliyeed, waxaana tan iyo markii culimadu ka hadashay soo baxaysay aragtiyo kala duwan oo shacabku isumarinayeen baraha bulshada.

HALKAN KA AKHRISO SIYAASADDA WASAARADDA HAWEENKA EE GENDER-KAR LA XIRIIRA

GAROWEONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM