Xukuumadda Somaliland oo wadahadal ugu baaqdey mucaaradka

Image

May 13, 2015 (GO)- Xukuumadda Somliland ayaa sheegtay inay wadahadal la furi doonto mucaaradka si looga arrinsado go'aankii Golaha Guurtidu muddada ugu kordhiyeen xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Zaylici oo shir jaraa'id maanta magaalada Hargeysa ku qabtey, wuxuu sheegay in dowladdu diyaar u tahay inay la xaajooto axsaabta mucaaradka si khilaafka jira xal deg deg ah looga gaaro.

 

Zaylici oo la weydiiyey su'aal ahayd, malaga yaabaa in laga laabto go'aankii Golaha Guurtidu waqtiga ugu kordhiyeen xukuumadda, wuxuu ku jawaabey:

"go'aankaas  laga noqo mayo ee waxaa laga wada hadlayaa sidii laysu qancin lahaa nabadgelyadana loo ilaalin lahaa" ayuu yiri isagoo intaas raaciyey in go'aanka muddo kordhintu kasoo baxay Golaha Guurtida oo isagu ah hay'adda dastuuriga ah ee ugu sarreysa Somaliland.

Labo maalmood kahor ayey ahayd markii Golaha Guurtidu xukuumadda Siilaanyo waqtiga u kordhiyeen iyagoo ugu daray muddo sanad iyo toban bilood ah.

Go'aanka Golaha Guurtida waxaa kasoo horjeestey xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo Ucid, waxayna ku tilmaameen tallaabo sharci darro ah oo aan sinaba loo aqbali karin.

Muddaaharaadyo rabshad watey oo ka dhashay arrintan ayaa ka dhacay magaalooyinka waweyn ee Somaliland, waxaana xabsiga loo taxaabay qaar kamid ah mas'uuliyiinta xisbiga Wadani.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM