Xukuumadda Soomaaliya oo u hanjabtey Siyaasiyiin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye], ayaa digniin culus loogu diray siyaasiyiin aan magacyadooda la shaacin, oo lagu tilmaamay inay ka shaqeynayaan ficilo dhaawacaya qaranimada Soomaaliya.

Waxaa lagu sheegay qoraalka, in Xukuumadda ay qaadeyso tallaabooyin ay kula xisaabtameyso shaqsiyaad xilal haya iyo kuwa horey usoo qabtey, kuwaasoo inta badan ku dhaliila maamulka Farmaajo waxyaabaha uu ka gaabiyay iyo fulin la'aanta balamadii shacabka laga qaadey.

Waxay shaacisay Xukuumadda in tallaabooyin waafaqsan dastuurka iyo sharuucda kale ee dalka ay ka qaadeyso shaqsiyaadka garab siinaya cid walba oo damac kaga jiro xuduudaha dhuleed iyo kuwa badeed ee Soomaaliya.

Muran xooggan ayaa Kenya kala dhaxeeya Soomaaliya, kaasoo ku saleysan xuduuda badda, oo labada dal isku khilaafsan yihiin lahaanshaha xirmooyin shidaal oo ku jira badda u dhaxaysay.

Digniintan ayaa kusoo aadaysay xilli Nairobi ay shirar dhawaan ku yeesheen madax kamida kuwa maamul Goboleedyada dalka, sidoo kalena ay jiraan siyaasiyiin horey xilal usoo qabtey oo dhaliilo u jeediyay Villa Soomaaliya.

Mudadii labada sano ee Xukuumadda soo shaqeynaysa waxaa lagu eedeeyay inay ku guuldareysatay xal inay u hesho khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya maamullada Federaalka xubnaha ka ah, kaasoo wiiqaya horusocodka dalka iyo gaabis ka jira la dagaalanka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM