Xuutiyiinta oo sheegtay weerar Soomaali ku nafwaayeen

Image

SANCA, Yemen – Falaagadda Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto dowladda Iiraan ayaa qirtay in ay dambeeyeen weerar loo adeegsaday gantaal laguna qaadey xabsi ay ku jireen boqolaal muhaajiriin u badan Itoobiyaan iyo Soomaaliya.

Sarkaal u hadlay maleyshiyaddan oo xusay in xerada ay ku tiilay caasimada Sanca ayaa wuxuu shaaca ka dhigay in weerarkaas uu ku yimid si qaldan isla markaana ay aad uga qoomameynayaan.

"afartan iyo afar muhaajiriin ah ayaa ku dhintay. 190 kalana way ku dhaawacmeen. Illaahey ha u naxariisto intii dhimatay, inta dhaawaca ahna bogsasho deg-deg ah ayaan u rajeynaynaa," ayuu ka dhawaajiyey.

Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka dhigtay in wadarta guud ee Soomaalida ku jirtay jeelkaas ay ahaayeen 31 – kuwaas oo ay xustey in laba kamid ah ay dhaawacmeen, afarna la la’yahay, 9-kalana ay geysay xarunta jaaliyada.

Danjiraha Soomaaliya ee waddanka Yemen, Cabdullaahi Xaashi Shuuriye oo weerarkaas dhacay horaantii bishaan Maarso u waramay saxaafadda, ayaa ku tartarsiiyey Soomaalida in ay feejignaadaan kuna laabtaan dalkooda.

"Falkaan bahalnimada ah kadib waxaa noosoo baxeysa in meeshan aysan ahayn meel Soomaalida ay sii joogi karto. Waxaan ku boorineynaa dhamaantooda in ay ka hayaamaan kuna laabtaan dalkooda," ayuu hoosta ka xariiqay safiirka.

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka Human Rights Watch oo Xuutiyiinta eedeysay kahor inta aysan qiran ayaa cod dheer waxay ku dalbatay baaris madax-banaan iyo in la ciqaabo kuwii ka dambeeyay falka.

Yemen oo colaad ay ka oogan yihiin sanadihii ugu dambeeyay waxaa ku hardayama Xuutiyiinta oo Tehran ay barataarto iyo xulafo uu horkacayo Sacuudi Carabiya oo taageeraya dowlada caalamka aqoonsan yahay ee dalka Yemen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM