Yaa ka dambeeyay kulankii ugu dambeeyay ee Golaha Mustaqbalka? Xogo ku saabsan doorka Fahad Yaasiin
MUQDISHO, Soomaaliya,(GO) — Xogo uu warsidaha Garowe Online ka helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), uu ka dambeeyay dadaallo lagu doonayay in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu aqbalo kulan uu horey ugu baaqay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo aan marka hore la fulin shuruudihii goluhu ku xiray wada-hadallada.
Golaha Mustaqbalka ayaa habeenkii Khamiista yeeshay kulan ay kaga arrinsanayeen sidii looga jawaabi lahaa dalabka Xasan Sheekh, waxaana kulanka dabada ka riixayay qaar ka tirsan siyaasiyiinta golaha ku jira oo doonayay in dib loo furo wada-hadallada Villa Soomaaliya.
Hase yeeshee, kulanka ayaa ku dhammaaday is-afgarad la’aan xalay iyadoo dib loo balamey , kaddib markii xubno ka tirsan goluhu ay ku adkeysteen inaan la aqbali karin wada-hadallo aan marka hore laga heshiin shuruudihii hore, oo ay ka mid ahaayeen goobta kulanka, hannaanka wada-hadallada iyo dhexdhexaadinta dhinacyada caalamiga ah.
Fahad Yaasiin oo la sheegay inuu xiriir la sameeyay Xasan Sheekh
Ilo-wareedyada Garowe Online ayaa sheegay in Fahad Yaasiin uu taleefan kula hadlay Xasan Sheekh, isagoo ugu hambalyeeyay go’aannadii uu dhawaan ka qaatay Imaaraadka Carabta.
Sida ay xoguhu tilmaamayaan, Fahad ayaa Xasan Sheekh u sheegay in tallaabooyinka uu ka qaaday Abu Dhabi ay ahayd inuu horey u qaado, isagoo sidoo kale u ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono sidii ay u qabsoomi lahaayeen wada-hadallo dhex mara Golaha Mustaqbalka iyo Villa Soomaaliya.
Wararka ayaa intaas ku daraya in farriintaasi ay kulankii xalay ee Golaha Mustaqbalka soo dhex mariyeen xubno ka tirsan xisbiga Haybad Qaran, oo uu Fahad Yaasiin udub dhexaad u yahay, kuwaas oo ku dadaalayay in goluhu aqbalo kulanka Xasan Sheekh iyada oo aan shuruudo horudhac ah lagu xirin.
Garowe Online si madax-bannaan uma xaqiijin faahfaahinta wada-hadalka taleefanka ee la sheegay inuu dhex maray Fahad iyo Xasan Sheekh, mana jiro war rasmi ah oo labada dhinac kasoo saareen.
Golaha Mustaqbalka oo ku adkeystay shuruudihii hore
Golaha Mustaqbalka ayaa horey u diiday inuu ka qeybgalo wada-hadalladii uu Xasan Sheekh ku baaqay in lagu qabto Villa Soomaaliya, isagoo dalbaday in kulamada siyaasadeed lagu qabto goob ay dhinacyadu ku wada kalsoon yihiin, isla markaana ay fududeeyaan wakiillo caalami ah.
Golaha ayaa horey arrintan ugu wargeliyay dhinacyada dhexdhexaadinta, oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Turkiga.
Warar soo baxay Jimcaha ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uu hadda muujiyay inuu diyaar u yahay in kulanka lagu qabto goob ay mucaaradku ku kalsoon yihiin, balse weli ma jiro heshiis rasmi ah oo laga gaaray dhammaan qodobbada la isku hayo.
Fahad Yaasiin iyo xiriirkii xumaa ee Imaaraadka xilligii Farmaajo
Dhaqdhaqaaqan siyaasadeed ayaa dib u soo celiyay doorkii Fahad Yaasiin ee khilaafkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Imaaraadka xilligii dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Fahad Yaasiin, oo ahaa mid ka mid ah shaqsiyaadkii ugu saameynta badnaa dowladdii Farmaajo, ayaa muddo dheer lala xiriirinayay dalka Qatar, oo xilligaas uu khilaaf xooggan kala dhexeeyay Imaaraadka iyo qaar ka mid ah dalalka Khaliijka.
Xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi ayaa si weyn u xumaaday sanadkii 2018, markii ciidamada amniga Soomaaliya ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabteen lacag dhan $9.6 milyan oo Imaaraadku sheegay in loogu talagalay taageerada ciidamada Soomaaliya.
Dhacdadaas ayaa horseedday inuu Imaaraadku joojiyo barnaamijkii tababarka ciidamada Soomaaliya, kana baxo qaar ka mid ah hawlihii uu ka waday Muqdisho.
Warbixin ay soo saartay hay’adda International Crisis Group sanadkii 2018 ayaa sheegtay in loollankii Qatar iyo Imaaraadka uu sii huriyay khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan xiriirka dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
Fahad Yaasiin ayaa xilligaas ka mid ahaa mas’uuliyiinta ugu dhow Farmaajo, waxaana falanqeeyayaal siyaasadeed ay xiriirkiisa Qatar ku tilmaameen arrin saameyn ku lahayd siyaasaddii Muqdisho ee dalalka Khaliijka. Qatar ayaa horey u beenisay eedeymo ku saabsanaa inay siyaasiyiin Soomaaliyeed dhaqaale ku marin jirtay Fahad Yaasiin.
Isbeddelka mowqifka Fahad Yaasiin
Fahad Yaasiin ayaa dhawaan si cad u soo dhoweeyay go’aannada Xasan Sheekh ee ka dhanka ah Imaaraadka, isagoo qoraal uu ku baahiyay Facebook ku yiri: “Caawa waxaa leh Xasan Sheekh. Hambalyo.”
Taageeradaasi ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan isbeddelka xiriirka siyaasadeed ee Fahad iyo Xasan Sheekh, kuwaas oo horey ugu kala aragti duwanaa arrimo badan oo siyaasadda Soomaaliya ah.
Fahad ayaa sidoo kale sanadkii 2024 ku dhawaaqay inuu ka baxay isbahaysigii siyaasadeed ee uu la lahaa Farmaajo, isagoo markii dambe xisbi siyaasadeedka Haybad Qaran ee uu u yahay udub dhexaadka daaha dabadiisa u fadhiya.
Xogaha cusub ee ku saabsan kulankii Golaha Mustaqbalka ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka Xasan Sheekh iyo Imaaraadka, isla markaana mucaaradka Soomaaliya ay ku kala aragti duwan yihiin qaabka looga jawaabayo baaqyada wada-hadalka ee Villa Soomaaliya.
Ilaa hadda ma jiro go’aan rasmi ah oo Golaha Mustaqbalka ku shaaciyay inuu ka tanaasulay shuruudihii hore ee uu ku xiray wada-hadallada.