Yuusuf Garaad: Eray la qoonsaday yaanuu horseedin abaal-dhaca Uganda

Image

MUQDISHO, Somalia - Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ku baaqay in hadalkii Madaxweyne Yoweri Museveni uusan horseedin in lagu abaal dhaco dowladda Uganda.

"Madaxweynaha Uganda, Dowladda, Ciidanka iyo Shacabkuba waxay noo galeen abaal shuruud la’aan ah. Eray la qoonsaday yaanuu noo horseedin abaal-ka-dhac iyo in aan u muuqanno kuwo aan la socon kaalinta ay maanta noogu jirto Uganda," ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Museveni oo ka hadlayay kulanka Sanadlaha ah ee Garsoorka Dalkiisa ayaa tusaale u soo qaatay Somalia dalal aan ka jirin awood nidaamsan iyo dowlad fulisa shaqooyinkii loo igmaday.

Waxaa uu sheegay in Dowladdu tahay mid maamusha dalka, fulinna karta sharciga, waxaa uu sheegay in ay jiraan dalal badan oo aan lahayn dowlad, waxaa uu tusaale u soo qaatay Somalia.

“Waxaa jira dalal badan oo aan lahayn dowlad,tusaale Somalia, iyo kuwa kale oo aysan diblomaasiyadda ii oggoleyn in aan sheego," ayuu yiri Museveni oo hadalkiisa u muuqday mid uu ku dhiira-gelinta Garsooriyeyaasha dalkiisa.

Museveni ayaa dhowr jeer ku xadgudbay Somalia isagoo tusaalooyin badan oo xun xun usoo qaatey xilli uu ka hadlayay fagaaroyaal, waxaana hadalkiisuu ugu dambeeyay ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda DF Axmed Ciise Cawad oo ku tilmaamay hadal qof iska yiri, oo xaqiiqda ka fog.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM