Yuusuf Garaad oo ka hadlay go'aanka maamullada [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya -Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa si cad uga hadashay Khilaafka kala dhaxeeya qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka, taasi oo ka dhalatay arrimaha Khaliijka.

Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Yusuf Garaad Cumar oo VOA la hadlay, ayaa sheegay in maamul goboleedyada aysan awood u lahayn inay galaan heshiisyo dibadda.

Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay ka jirto dowlad la aqoonsa yahay, oo uga wakiil ah Siyaasadda dibadda, sidaasi darteedna ay maamul goboleedyada arintaasi uga danbeeyaan dowladda dhexe.

Wasiirka ayaa daboolka ka qaadey in dowladda Federaalka ay diyaar u tahay inay la fariisato, oo dhageysato tabashooyinka maamul-goboleeyada, si looga qanciyo mowqifka arrimaha Khaliijka.

Isagoo hadalkiisa sii wato ayaa Yuusuf Garaad waxa uu xusay in dalka uu ka gudbay xilligii qof walba uu talin jiray iyo in Madaxweyne maamul goboleedyo uu dibadda tago oo heshiis dowlad lasoo galo.

Dhanka kale, Yuusuf Garaad ayaa ka hadlay Safarkii Madaxweynaha ku tagay Sacuudiga, oo isago uu qeyb ka yahay, wuxuuna sheegay in Booqashada ay kusii idlaatay si habsami leh oo natiijo leh.

"Soomaaliya iyo Sacuudiga waxay ku heshiiyeen inay xoojiyaan Xiirka iskaashi ee ka dhexeeya, gaar ahaan dhaqaalaha, maalgashiga iyo la dagaalanka Argagaxisada," ayuu yiri Yuusuf Garaad Cumar.

Yuusuf ayaa dhanka kale xusay in wax isbeddel ah aanu ku iman mowqifkii dhex-dhexaadnimo ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qaadatay xiisadda khaliijka bishii June ee sanadkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM