Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay deegaano hoos taga G\Shabeellaha Hoose

Image
Howlgalkan ayaa waxaa lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxda AS.

Baraawe, Soomaaliya - Ciidmada Dowladda oo kaashanaya saxiibada Caalamka ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano dhaca gobolka Shabeellaha Hoose oo ay isku abaabulayen xubno ka tirsan kooxda AS.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu dilay Seddax xubnood oo ka tirsanaa kooxda, waxaana goobta lagu burburiyay fariisimo ay ku lahaayeen sida lagu sheegay qoraal lagu faafiyay warbaahinta dowladda.

Howlgalkan ayaa waxa uu qeyb ka yahay howlgallo maalmihii la soo dhaafay ay ciidamada dowladda ka sameeyeen gobollada kala duwan ee dalka, waxaana la sheegay in lagu dilay tobneeyo ka tirsan kooxda.

Howlgalladan ayaa intooda badan waxa ay ka dhaceen deegaannada hoos yimaada Dowlad-Goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa lagu dilay sida ay shaaciyeen ilo ka tirsan dowladda xubno badan oo isugu jira maleeshiyo iyo Saraakiil sarsare, isla markaana nolosha lagu qabtay qaar kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM