Sheeko Gaaban: Qisada macalinkaygii ii ceeb asturay oo aan kulanay 35-sano ka dib
Xaflad guur iyadoo la joogo ayaan arkay macalinkaygii dugsiga hoose i dhigijiray ku dhawaad 35 sano ka hor. Kadib markii aan arkay ayaan bilaabay in aan maclinka u qaabilo si qurux badan oo qadarin iyo ixtiraam ku dheehantahay.
Aniga oo ahaa ardaygiisii ayaan aniga oo aad u qajilayo/ xishoonaya ku iri ma i xasuusataa macalinkeygiyow?
Macalinki wuxuu iigu jawaabay may wiilkeygiyow kuma garanayo.
Waxaan ku iri waxaan ahay ardaygii xaday saacada saaxibkiis iyadoo fasalka ama galaaska lagu jiro. Waxaan macalinka geliyay xasuus fog oo hada laga joogo muddo 15 sano ah.
Aniga oo yar oo jooga dugsiga ayaan maalin xaday saacad uu lahaa arday aan wada dhigan jirnay dugsiga aad macalin bare ka ahayd. Kadib markuu ardaygii saacada lahaa bilaabay inuu ooyo ama ilmeeyo ayaad waxaad nagu amartay inaan istaagno dhamaanteen si aad u baarto jeebabkeena. Waxaan rumeystay in aad igu hor ceebeyneyso ama fadeexeyneyso ardayda iyo macalimintayda kale hortooda kadibna aan noqon doono wiil tuug ah laguna maadsado sidaasna nafsadeyda u burburi doonto waligeed.
Waxaad markale na amartay maclinkeygiyow inaan wajiyadeena dhanka darbiga u jeedino indhaha aan isku qabano, Kadibna waxaad bilaawday inaad jeebabkena baarto markaad isoo gaartay si aad aniga ibaarto waxaad jeebkeyga kabixisay saacadii, balse halkaas kuma aadan joojin ee waxaad sii waday baaritaanka ilaa aad ka baartay ardaygii ugu dambeeyay.
Kadib markaad dhameeysay baaritaankii ayaad waxaad naga dalbatay inaan fadhigeenii ku laabano.
Anigu waxaan ka naxsanaa markaan inaad igu fadeexayso ardayda hortooda waxaadse sameysay macalinkeygiyow in saacadii aad siisay ardaygii iskalahaa umana aadan sheegin ardaygii aad jeebkiisa kasoo bixisay iyadoo intii aan ku jiray waxbarashada iskuulka oo dhan aadan halmar igu soo qaadin dhacdadaas sidoo kalena cid kale uguma aadan sheekeyn.
Sidaas daraadeed macalinkeygiyow waqtigaas laga soo bilaabo waxaan go'aansaday inaanan mar danbe xadin sheey haba yaraadee.
Haddaba sidee igu xasuusan wayday macalinkeygiyow anoo ardaygaas ah qisadeyduna sidaa u xanuun badantahay oo aysan suuragal aheyn inaad hilmaanto ama ilowdo.
Kadib macalinkii ayaa dhabarka iga dhirbaaxay isagoo dhoolacadeynaya wuxuuna yiri si wanaagsan waan xasuustaa dhacdadaas waxaana ugu talagalay inaan idin baaro idinkoo indha xiran si arinta kan wax xaday ugu fadeexoobin ardayda hortooda. Laakiin waxaadan ogeyn wiilkeygiyow inaan idiin baaray anigoo sidoo kale indhaha xiran si ay u dhameystirnaato asturaada qalbigeygana qofkaas wax xaday ugu so dhicin mar kale.
Xigmada qisadan aan kala baxeyno waxey tahay inaan ogaano asturaada ay tahay nimcad weyn.
Waxaa turjumay Ahmed Kulmie.