Sheeko gaaban – Xaaskaygii sadexda nin ila guursatay!
Waa maalin Jimce ah 1-da Maarso, waxaa saaka emailkayga iigu soodhacday fariin aan ku sootoosay oo iisida akhbaar aan in mudo ah sugayay. Waxaan sugayay fariintaan 5 tii sano ee aan dalka Kanada ku sugnaa. Muhiimada aan u sugayay maahan in aan helo sharciga wadanka aan ku noolahay, ee waxay ahayd in aan u baahnaa in aan ku safro oo aan wadankii aado si aan ula kulmo xaskayga aan jeclahay. Deeqa, oo aan kalamaqanahay 5 sano ay nakala foogeeyeen duruufo jira. Deeqa, waxaan ka soo tagay 2 bilood kadib markii aan isguursanay.
Waxaan ku dhashay kuna barbaaray Baydhabo. Markii aan da’da19 jirsaday odayga aabahay da’da ka wayn ayaa iidiray kismaayo. Si aan u daryeelo awoowgay oo wakhtigaas 99 jir ahaa oo aan reer kale iyo qaraabo u joogin magaalada. Adeer waxa uu uwayn yahay 4 will oo awoowahay dhalay. Aabahay wuxuu ku geeriyooday Muqdisho waxaa dilay saaxiibkiis anigoo 5 jir ah. Waxay isku khilaafeen ganacsi ay saami ku lahaayeen. Si kastaba ha ahaatee, ma rabo in aan manta faahfaahin ka bixiyo qisada qoyskayga waa sheeko maalin kale.
Kismaayo markii aan tagay, sannadkii iigu horreeyay noloshu waxay ahayd mi aan kudareemay kelinimo iyo cidlo. Maan lahayn saaxiibo ama qoys. La ima gayn iskool sidaas darteed ma aan yeelan karin saaxiibo cusub. Waxa kale oo aan mashquul ku ahaa inta badan awoowgay, daryeelkiisa, wax u karin jirintiisa ama in aan la joogo oo aan u wheel yeelo sababtoo ah wuxuu aad u necbaa cidlada. Hal sano ka dib waxaa magaalda Kismaayo timid saaxiibtey Deeqa oo dugsiga sare aan wada dhiganjirnay sheeko wadaagna ahayn. Iyada iyo qoyskeeda ayaa ku qasbanaaday inay Kismayo u soo guuraan, sababtoo ah xilligaas waxaa magaalada Baydhabo ka jiray arrimo amni xumo.
Tani waxay ii ahayd war wanaagsan sababtoo ah soo dhawaanshaheeda waxay soo afjartay nololeeshii kelinimada ahaa ee aan ku jiray. Deeqa, siday u timid Kismaayo waxay iman jirtay gurigayaga maalin kasta oo ay iga caawin jirtay shaqada guriga, iyo xanaanaynta awoow. Waxay la sheekaysan jirtay awoowgay runtii aad bay u isku fahansanaayeen, awoowana wuu jeclaa la sheekaysigeeda.
Jimce kasta waxaan aadi jirnay xeebta aniga iyo awoowgay, iyo Deeqa. Maalmuhu way wanaagsanaayeen, ugu dambayntiina waan ku farxay inaan Kismaayo joogo, waxay magaaladi ila yeelatay weji cusub.
Maalin maalmaha ka mid ah anagoo isu diyaarinayna inaan aadno xeebta, ayaa waxaa isoo wacay abtigey. Wuxuu ii sheegay in subaxa dambe laiga kaxaynayo Kismaayo oo aan la i gaynayo xerada qaxootiga Dhadhaab. Wuxuu ii sheegay in uu nin saaxiibkiisa iisoodiray oo uu isagu subaxii ikaxaynayo awoowana looga tagayo eedaday oo isla caawaba soo galaysa kismaayo. Runtii waxay igu ahayd kedis. Wuxuu uu iisheegay in uu doonayo in uu idhoofiyo oo igeeyo dalka Kanada oo ah halka uu isgu joogo si aan reerka ugu shaqeeyo isagana u caawiyo.
Kani wuxuu ahaa war murugo leh iyo mid wanaagsan labadaba. Aad ayaan ugu farxay inaan fursad u helo inaan ka tago Kismaayo oo aan u aado wadan aan ka heli karo shaqo wanaagsan, waxbarasho, iyo daryeel caafimaad oo wanaagsan. Kismaayo waa hoygayga meel aad u wanaagsan laakiin waxaa jiray fursado aad u yar xilligaas, aniguna waxabarashada heersare kama gaarin. Dhanka kale, aad ayaan u qalbi jabay sababtoo ah tani waxay sababaysaa inaan ka tago jacaylkayga Deeqa, oo aan aadayo qaarad ka fog halka ay ku sugantahy.
Waxaan go'aansaday inaan Deeqa iyo awoowgay u raaco xeebta oo aan marka aan soo laabano akhbaartaan u sheego, maan doonayn inaan maalinta kharribo. Si kastaba ha ahaatee, mudadii aan joognay xeebta, Deeqa waxay iga dareentay in ay wax jiraan waxayna taas ka akhrisatay wajigayga. Waayo anigu in tii aan xeebta joogayba waan murugaysnaa oo maanan faraxsanayn.
Markii aan ka soo aabanay dalxiiskii aan u aadnay xeebta, waxa aanu toos u nimid guriga. Deeqa waxa ay iga caawisay in aan awoowahay u kaxeeyo qolkiisa. Kadib waxay bilowday macasalaamayn waxay rabtay in ay aado oo u lugayso gurigeeda oo aan sidaas uga fogayn halka aanu ku noolnahay. Waxaan soo qabtay gacanta aniga oo doonaya in aan u sheegyo warkii adeerkay igu yiri oo ah in aan isla beri subaxba dalka ka baxayo oo aanay sanado badan i arki doonin yaa garan kara ma 10 mise 20 sano mise kabadan. Warkii ayaan u sheegay, waxaanse aad ula yaabay in ay ku faraxsanayd in aan helay fursad dhoof. Waxay ii sheegtay inay ii ducayn doonto oo aanan ka welwelin.
Kahor intaanan ka tagin Kimayo Deeqa iyo anigu waxaan go'aansaday inaan guursano adeerkay wuu naga aqbalay codsiga. Markaa, safarkaygii dib ayuu u dhigay oo wuxuu i siiyay laba bilood. Waxay ahayd labadii bilood ee ugu farxada badnayd waayo ugu dambayntii waanu midownay. Waxay ballan qaaday inay i sugi doonto ilaa aan ka helayo sharciga aan dalka dib ugu soo laabto.
Xerada qaxootiga Dhadhaab waxaan ku sugnaa 6 bilood oo aan sugayay adeerkay inuu iga ka xeeyo. Markii ay howshii aan Meesha u imid ii soo dhammaatayna horayba waan ugu safray si degdeg ah. Hal bil ka dib markaan Kanada joogay waxaan shaqo ka helay supermarket ku yaala magaalada Toronto, waxay ahayd hawl adag oo u baahnayd in shaqaaluhu istaagnaado si xiriir ah 12 saacadood maalin kasta. Sikastaba ha ahaatee waan ku faraxsanaa inaan qabto shaqada sababtoo ah waxaan rabay inaan u helo dhaqaale qoyskayga oo aan taageero Deeqa si ay ugu noolaato nolosha fiican. Durba guri ayaan Kismaayo uga iibiyay, hadyad joogto ah ayaan u diri jiray. Waxaan u diri jiray lacag biil fiican bil kasta, waxaan u iibin jiray qalabkii ugu dambeeyay ee tignoolajiyada, Dahab, iyo wax kasta oo ay iga codsato.
Hadaba maanta waa maalintii ay dowlada Kanada ogolaatay codsigayga baasaboorka, waxa ay tani ka dhigan tahay in aan ugu dambeyntii safri karo oo aan utagi karo jacaylkayga Deeqa. Deeqa ayaan wacay si aan ugu sheego warkan farxadaleh iyo in aan imanayo Kismayo. Telefoonkii ayay igu jartay. Dib ayaan u wacay, laakiin cidi igama jawaabin telifoonkayga. Waxaan ka walwalay in ay wax dhaceen sababtoo ah taasi waxay ahayd mid aad u yaab leh. Dib iima soo wici maalinkaas oo teleefankeedii waa dansanaa.
Maalintii xigtay, Deeqa ayaa isoo wacday. Waxa ay sheegtay in ay rabto in ay arin ii sheegto oo ay ka welwelsan tahay in aan caroodo, waxa ay iga codsatay in aan u ballan qaado in aan taageero taas oo aan sameeyay. “Axmed waxaan Kismaayo ka soo tagay 2 sano kadib markii aad adigu tagtay, oo anigu hada Kismayo majoogo” ayay tiri, “waxaan go’aansaday inaan kaa qariyo, waayo waxaan rumaysnaa inaadan raali ka ahayn” aad baan ula yaabay markii eraygaasi ka soo baxeen Deeqa. Wax aiga yaabiyay ma’aha in 5tii sano lasoodhafay ay Kismayo kamaqantahay bale waxaa fajac igu noqotay in ay sanado badan been igu akhrinaysay. Waxaan ku iri xagee joogtaa, waxayna iigu jawaabtay in ay Jarmalka iskadhiibtay oo ay qaxooti tahay ayna adagtahay in ay ila kulanto. Bil walba ayaan lacag biil u diri jiray bangi akoonka ay iidhiibtay ayaan ugushubijiray, mar aan weydiiyey cidda akoonka isticmaasha waayo haddii aadan Kismaayo joogin yaa ka qaadata lacagtii aan bil walba kuu soo diri jiri? Waxay iigu jawaabtay waa walaashay. Waxay kaloo ay ii sheegtay in walaasheed ay ku nooshahay gurigii aan u dhisay ayada, hadiyadahana ay ayadu qaadan jirtay.
Waxaan bilaabay inaan shakiyo oo marna naxo. Waxa shaki i sii galiyay markii aan Kanada imid, ayaa waxaan wada xiriiri jirnay nin aan saaxiibo ayhayn Zakhrawi. Zakharwai ayaa maalin wuxuu igu yiri Deeqa way ku khiyaamaynaysaa waxayna guursatay Axmed Nuur oo isna aanu isku fasal ahayn. Ma rumaysan warkiis sababtoo ah wuxuu ahaa nin balwad leh oo inta badan wuxuudoona ku hadla. Waxa kale oo aan rumayn kari waayay hadalkiisa, waxaan aad ku kalsoonahay Deeqa. Waxay ahayd gabar wanaagsan oo Alle ka cabsi badan. Markaa, waan la dagaalamay, waxaan ku iri, mar dambe ha ila soo xiririn, waxaanan iska xiray nambarkiisa iyo baraha bulshada.
Markii ay Deeqa ii sheegtay inay been igu waday shantii sano ee la soo dhaafay, taasi waxay abuurtay shaki wayn, markaas ayaan go’aansaday inaan baaro oo aan xaqiiqada ogaado!
Waxa aan bilaabay in aan raadiyo saaxiibkay Zarkawi. Waxay igu qaadatay dhowr toddobaad inaan helo nambarkiisa, ugu dambeyntii waxaan ka helay Salma, oo ah ina-adeerkii. Waxay ii soo dirtay lambarkiisii, waxayna igu wargelisay in Zakhraawi uu Kismaayo ka dhoofay markii Deeqa ay guursatay Axmed Nuur, sababtoo ah waxay ugu hanjabeen inay dilayaan maadaama uu u sheegay inuu kashifidoono guurkooda qarsoodiga ah.
Markii aan helay nambarka Zakhrwis oo hadda Boosaaso jooga, waan wacay, waanu isa salaannay. Wuu rumaysan waayay inaan lasoo xiriiray. "Ma waxaad soo ogaatay khiyaamada xaaskaaga?” ayuu yiri "ma sababtaa ayaad hadda ii soo raadisay, kolba waan dareemayaaye?" Haa ayaan ku iri. Markii aan wada hadalnay waxa uu ii sheegay arrin kale oo layaabkale ah, in xaaskayga Deeqa ay isla markii aan soobaxay bilkadiba guursatay nin kale, waxa uu iigu daray in ay gabadh u dhashay, lacagtii aan u soo diri jirayna ay siin jirtay ninkaan cusub. Sidoo kale akoonka bangiga ee ay iidhiibtay oo aan lacagta ku shubi jiray bil walba ninkan cusub ee ay guursatay aya u samaysay. Way I khiyaanta. In ay ninkale ila guursatay waxaa ii dheraa in aan ninka u biili jiray!
Cajiib! waxaan go'aansaday inaan sheekadan sii baaro. Zakhraawi waan raali galiyay wuuna iga aqbalay. Waxaan go'aansanay inaan Sucuudiga u safro, waayo waxaan ogaanay in ay Deeqa hadda ku nooshahay Sucuudiga, oo waa beenteed Jarmalka ma joogto si aan u ogaado waxa ay halkaas ka waddo oo aan soo xaqiiqsado waxwalba ayaan halkaa in aan aado go aansaday. War kale ayaa na soogaartay oo ah inay lamaane sadexaa ka heshay Sacuudiga oo halkaas ninkale ku qabo. Cajiib! Dhanka kale waxaan u sheegay Deeqa in aan dib u dhigay safarkii aan ku tagi lahaa magaalada Kismaayo maadaama aysan joogin isla markaana aan la socodsiin doono marka aan Jarmalka imanyo labada bilood kadib. Way ogolaatay, waan sii wada hadli jirnay, caadi baan iska dhigay sababtoo ah ma rabin in ay shakido.
Laba toddobaad kadib markii aan qaatay baasaboorkaygii waxaan helay tigidkii aan ku aadi lahaa Sucuudiga si aan u guntado sheekadan. Zakhraawi waxa uu la hadlay saaxiibkiis Cumar oo ku nool Sucuudiga si uu iiga caawiyo hawshayda. Markii aan imid, waxaan kiraystay hoteel qol aan ku nastay habaynkii aan soo dagay. Maalintii xigtay subixii markuu waagu baryay, Cumar wuxuu diyaar u ahaa inuu i geeyo guriga Deeqa, saaxiibkay Zakhrawi ayaa cinwaanka guriga Deeqa ka helay Deeqa walaasheed oo ku nool Koonfur Afrika.
Markii aan soo istaagnay albaabka guriga deeqa. Waxaa albaabka naga furay nin, inan yar ayaa qolka fadhiga ku ciyaaraysa, gabadhan yari run ahaantii waxay aad ugu egtahay Deeqa. Aad bay ugu ekayd iyada, shakina kuma jirin inay ayadu dhashay. Ninkii wuu na soo dhaweeyay aniga iyo saaxiibkay waxaa uu na waydiiyay waxa aanu u baahanahay iyo sida uu noo caawin karo. Waxaan tusay sawirkii Deeqa oo aan waydiiyay "Gabadhaan halkan ma ku nooshahay?" Waxa uu igu yidhi " Haa waa xaaskayga" madaxa ayaan ruxay waxa uu igu yiri "maxaad ka doonaysaa iyada?" Waxaan ku idhi "Anigana waa xaaskayga!" Ninkii wuu igu qoslay oo wuxuu ii sheegay inay hadda suuqa ku maqantahay markay timaado ayuu dhahay waan idinla kulansiinayaa. Waxaan u hubaa inaad qofkale ku khaldaysid ayuu yiri. Balse anigu ma danaynay in aan lakulmo deeqa waayo sabab aan u arko maba jirin qoftaa sidaa ii gashay, in ay guriga dagantahayna waxaa cadayn ii ah gabadha yar siday ugu egtahay. Waxaan tusay ninkii fariimo qoraal ah iyo dhammaan codadka WhatsApp-ka aanu kuwada sheekaysanjirnay iyo weliba muuqaalo ay iisoo dirtay. Wuuna xaqiiqsaday in ay ayada tahay. Labadeenaba waxaa halkaa noogu cadaatay in nala khiyaameeyay. Ninkii ay kisimayo uga sootagtay asagu garanmaayo goorta uu sheekadan ogaan doono. Yeelkadiis!
Waan istaagay si aan guriga uga baxo intaanay Deeqa iman, ma rabin inaan arko. Wax kasta oo ay samaysay ka dib, waan wajihi kari waayay iyada. Waxaan rabay inaan hotelkaygii aado oo aan ka gudbo sheekadaan. Waxaan ku iri ninkii guriga joogay fariinta ii gudbi. Markii aan u istaagnay in aan albaabka ka baxno ayay Deeqa soo gashay waa iyadii. Way isoo eegtay aniguna waan iska sii dhaqaaqay!
Ujeedada socdaalkaygii aan Sucuudiga ku tagay waxa ay ahayd kaliya in aan daliil u raadiyo oo aan xaqiiqada soo ogaado, isla subaxnimadii dambe dib ayaan ugu soo laabtay dalka Kanada.