100-jir xabsi ugu jirtay 18-sano maleegida dil oo cafis loo fidiyey

Image

ABUJA, Nigeria – Haweenay 100-sano jir ah taasoo lagu sheegay in ay ahayd "Maxbuuskii ugu da'da weyn Nigeria" ayaa lasii daayey markii ay dowladdu cafisay.

Xabsiga ayaa waxay ku qaadatay 18-sano markii lagu helay dambi ah in ay abaabuleysay fal dil ah.

Kadib marii ay xorriyadeeda heshay Egbunuche ayaa dibada xabsiga oo ku yaala is-maamulka Enugu waxay kulantay dad ay gabadheeda ku jirto.

"Aad ayaan u farax-sanahay, waxaana u mahad-celinayaa ALLE," ayay Inanteeda Chisom Celestine u sheegtay saxaafadda.

Hay’adda Global Society for Anti Corruption oo NGO ah ayaa door muhiim ah ka cayaartay sii deynta Egbunuche.

"Haatan waxaan isku sheegi karaa in aan ahay qofka ugu faraxsan caalamka," ayay hadalkeeda raacisay Celestine.

Egbunuche, oo wajaheysa dhibaato caafimaad sida xanuunka macaanka iyo indho-yareyn ayaa hada ku jira isbitaal balse lama oga sida ay isu bedali karaan.

Gabadheeda ayay warbaahinta kasoo xigatay in ay ka shaqeyn doonto sidii ay u daryeeli lahayd hooyadeed.

Intii ay xabsiga ku jirtay, waxaa daryeeli jiray wiilkeed, Paul, oo isla gal-dacwadeedkan ku xiran balse aan cafiska helin.

Cafiska loo fidiyey haweenaydan wuxuu yimid markii isbedal lagu sameeyay maamulka degaanka, mana cadda hadii ay dayeeli u raacin doonan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM