12 looga shakisan yahay Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal qorsheysan

Image

NAIROBI, Kenya – Milatariga Kenya ayaa shaaciyey in howlgal qorsheysan oo Khamiistii ay ka fuliyeen keymaha Boni ay ku dileen 12 looga shakisan yahay dagaalameyaasha Al-Shabaab.

John Elungata, taliyaha booliska gobolka xeebta oo dhacdada xaqiijiyey, ayaa sheegay in xubnaha ay dileen uu ku jirto sarkaal uu tilmaamay in uu ururka siinayey xogaha sirdoonka.

Isagoo hadalkiisa sii wata, taliyaha ayaa intaas ku daray in shaqsigaas uu taageero dhanka saadka uu la garab taagnaa maleeyshiyaadka muddo sanado badan, wallow uusan magacaabin.

"Ciidamada Difaaca Kenya oo si joogta ah u wada howlgalada lagu baacsanayo argagixisada waxay maleeyshiyaadka ku kadiyeen xero ay kaga dhuumaaleysanayeen keymaha," ayuu yiri.

Wallow uu ka gaabsaday in uu caddeeyo hadii dhankooda uu jiro wax khasaaro ah, Elungata ayaa raaciyey: "Intii howlgalku socday waxaan kusoo furanay hub iyo rasaas".

Wargeyska Daily Nation ayaa illo wareedyo uusan carabaabin kasoo xigtay in ruux ku hubeysan AK47 ay ciidamada kasoo qabteen goobta uu howlgalku ka dhacay ee degaanka Nginda.

Keymaha Boni oo gabaad u noqotay xoogaga gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa kaliftay in Kenya ay ciidamo dheeraad ah ku daabusho halkaas, sanadkii 2018.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM