13 qof oo dhimatay kadib markii ay cuneen boorash sumeysan

Image
Dadka dhintay ayaa, sidda laga soo xigtey warbaahinta maxaliga ah, waxa ay u badnaayeen caruur aan da'dooda la shaacin.

NAIROBI, Kenya - 13 qof ayaa ku dhintay muddo saddex maalmood gudahood ah afar kalena waxaa la dhigay cisbitaalka iyaga oo xaaladoodu liidato ka dib markii ay cuneen cunto looga shakisan yahay inay sumaysan yihiin oo ku taal Namibia.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warramaysa in dhammaantood ay ka soo jeedaan qoys ka kooban 22 qof oo ku nool tuulada Kayova, ee ku taal waqooyi-bari gobolka Kavango.

Dadka dhintay ayaa, sidda laga soo xigtey warbaahinta maxaliga ah, waxa ay u badnaayeen caruur aan da'dooda la shaacin, waxaana la sheegay in ay u baahnaayeen cunto.

Telefishinka dowladda ee NBC ayaa kasoo xigatay wasaaradda caafimaadka in qoysku ay cuneen boorash lagu sameeyay daqiiq luul ah oo lagu daray wasakh khamiirsan oo ka mid ah cabitaan guri lagu sameeyay.

Wasaaradda oo aan soo bandhigin caddeymo dheeraad ah ayaa waxay u dirtay tuuladda koox shaqaale ah si ay u taageeraan maskax-bulsho iyo la-talin qoyskan laga dhintay.

Muunado ka mid ah Boorashka ayaa lagu soo waramayaa in loo diray Koonfur Afrika si looga baaro sunta cuntada. Dhinaca kale, lama ogga haddii ay jiraan shaqsiyaad kale oo loosoo qabanayo falkan oo la tuhunsan yahay in ay mas'uul ka ahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM

Madaxweyne Ruto oo Booqday Shiinaha Xilli Madaxweyne Trump Canshuurro Dul Dhigay Badeecadaha Afrika

Safarka Ruto ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanku uu dhaqangeliyay canshuur…

  • Afrika

    22-04-2025

  • 07:56PM