13 qof oo dhimatay kadib markii ay cuneen boorash sumeysan

Image
Dadka dhintay ayaa, sidda laga soo xigtey warbaahinta maxaliga ah, waxa ay u badnaayeen caruur aan da'dooda la shaacin.

NAIROBI, Kenya - 13 qof ayaa ku dhintay muddo saddex maalmood gudahood ah afar kalena waxaa la dhigay cisbitaalka iyaga oo xaaladoodu liidato ka dib markii ay cuneen cunto looga shakisan yahay inay sumaysan yihiin oo ku taal Namibia.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warramaysa in dhammaantood ay ka soo jeedaan qoys ka kooban 22 qof oo ku nool tuulada Kayova, ee ku taal waqooyi-bari gobolka Kavango.

Dadka dhintay ayaa, sidda laga soo xigtey warbaahinta maxaliga ah, waxa ay u badnaayeen caruur aan da'dooda la shaacin, waxaana la sheegay in ay u baahnaayeen cunto.

Telefishinka dowladda ee NBC ayaa kasoo xigatay wasaaradda caafimaadka in qoysku ay cuneen boorash lagu sameeyay daqiiq luul ah oo lagu daray wasakh khamiirsan oo ka mid ah cabitaan guri lagu sameeyay.

Wasaaradda oo aan soo bandhigin caddeymo dheeraad ah ayaa waxay u dirtay tuuladda koox shaqaale ah si ay u taageeraan maskax-bulsho iyo la-talin qoyskan laga dhintay.

Muunado ka mid ah Boorashka ayaa lagu soo waramayaa in loo diray Koonfur Afrika si looga baaro sunta cuntada. Dhinaca kale, lama ogga haddii ay jiraan shaqsiyaad kale oo loosoo qabanayo falkan oo la tuhunsan yahay in ay mas'uul ka ahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM