17-kun talaalka AstraZeneca ee Covid-19 oo la burburiyey

Image

LILONGWE, Malawi - Malawi ayaa Arbacada maanta ah waxay burburisay ku dhowaad 17,000 goojo oo ah tallaalka AstraZeneca oo dhacay bartamihii bishii Abriil, iyadoo wasiirka caafimaadku ku eedeeyay "dacaayad" inta badan shacabka oo "ka cagajiiday qaadashada tallaalka".

"Qeybtii uu waqtigeedu dhammaaday (waa laga saaray) nidaamkeenna waana la burburiyey," ayay Kumbize Kandodo ka sheegtay Isbitaalka Dhexe ee Kamuzu ee ku yaala magaladda caasimadda ah ee Lilongwe.

Wadankan ku yaala koonfurta qaarada Afrika ayaa ilaa hada wuxuu helay sadex qaybood oo ah talaalka AstraZeneca - 300,000 guujo oo kaga yimid xarunta wadaagista talaalka ee Covax, 50,000 guujo oo ah nooca India iyo 102,000 oo kaga yimid Midowga Afrika.

Kandodo ayaa intaas ku dartey in qeybta Midowga Afrika ay haysteen "damaanadqaad ah in kaliya ay isticmaal geli karaan muddo laba toddobaad gudahooda ah, nasiib darrose, labadaas toddobaad, ma aanan awoodin in aan wax walba uga faa'iideysanayo, sababo la xiriira dacaayadaha ka dhanka ah tallaalka AstraZeneca".

Toddobaadkan, Austria waxay noqotay wadankii seddexaad ee Yurubiyaan ah kaasoo hoos u dhiga adeegsiga talaalka AstraZeneca, kadib markii Norway iyo Danmark ay talaalka ka qoreen kiisas dhif ah oo xinjirowga dhiiga daran ee dadka qaata tallaalka.

"Waxaan isku daynay in aan u xaqiijino dadka reer Malawi ay aaminaan talaalka, laakiin waxaa dhaawacmay 16,910 guujo aan la isticmaali karin oo ah AstraZeneca," ayay hadalkeeda ku dartey Kandodo.

Tan iyo markii Malawi ay bilawday hawlgalkeeda qeybta tallaalka bishii Maarso, waxay tallaashay 300,000 oo qof iyadda oo bartilmaameedkeedu ahaa inay gaaraan 11 milyan, ama 60 boqolkiiba dadka, dhammaadka sanadkan aan hadda ku jirno 2021-ka.

"Ma dooneyno inaan waayno wax tallaal ah sababta oo ah waxaan heysanaa dad badan oo aan tallaalno laakiin ... waa inaan ka saarnaa dhammaan nidaamka dawooyinka dhacay," ayay hadalkeeda kusoo gabagabeysay Kandodo oo aan soo hadal-qaadin talaabooyinka xigga ee ay qaadayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM