20 kadib, Duulimaadka Ethiopia iyo Eritrea oo dib u billowday
ADDIS ABABA - Duulimaadkii ugu horeeyay oo ganacsiga ah ayaa mudo 20 sano kadib maanta oo Arbaco ah diyaaradda Ethiopian Airlines ku sameysay magaalada Asmara, ee caasimadda dalka Eritrea.
Qoysas is jecel oo ku kala go'doomay dagaalkii Eritrea iyo Ethiopia 1998-2000 ayaa maanta kasoo duulay Addis Ababa, iyagoo halkaasi ay kasoo qaadeen labo diyaaradood oo ay leedahay Ethiopian Airlines.
In badan oo kamid ah rakaabka ayaa xirnaa funaanado ku xardhan calanka Eritrea islamarkaana ay ku qoran yihiin hal-ku-dhigyo ay ugu dabaal-degayaan dib usoo laabashada duulimaadka tooska ah ee labada dal.
Senait Tesfaye oo kamid ahaa rakabka saaka ka duulay Addis Ababa ayaa u sheegtay Reuters in aysan arkin ayeeyadeeda in ka badan 20 sano, islamarkaana ay hadda aad ugu faraxsan tahay inay dib ugu laabato dalkeeda Eritrea.
Diyaaradaha Ethiopian Airlines oo ah nooca casriga ee ay farsameysay Boeing ayaa 154 qof oo rakaab ah kasoo qaadey saaka Garoonka Bole International Airport ee Addis Ababa xilli jawaiga uu yahay mid qabow oo uu roob ka da'ayay magaalada.
Diyaaradaha ayaa ku qaadatey hal saac iyo 25 daqiiqo inay ka dagaan garoonka magaalada Asmara.
Duuliyaadka tooska ah ee Addis Ababa iyo Asmara ayaa sii xoojineysa dedaalka nabada ee uu wado Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, kaasi oo isagoo labo bilood ah jooga xafiiska dib usoo celiyay xiriirkii mudada 20-ka sano maqnaa ee Eritrea.
Isniintii lasoo dhaafay, Eritrea ayaa dib u furtay safaaradeeda Addis Ababa oo xirnayd tan iyo 1998, waxaana si lamid ah sidaasi Asmara dib looga furay Safaaradii Eithiopia, taasoo calaamad u ah inuu soo laabtay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.
Abiy oo 41 sano jir ah, islamarkaana horey usoo noqday Sarkaal katirsan Sirdoonka Ethiopia, ayaa xilka loo doortay bishii April, kadib markii uu is-casilay Hailemariam Desalegn bishii February 2018.
Hailemariam Desalegn, ayaa isagoo saaran mid kamid ah diyaaradda Ethiopian Airlines u sheegay Reuters inuu dareemayo farxad weyn inuu arko waaga cusub ee u baryay labada dal.
"Waxaa baga dhaxeeyay naceyb 20-kii sano ee lasoo dhaafay, taasi oo hadda aan ka gudubnay," ayuu yiri Hailemariam Desalegn.
Dadka ku kala nool Eritrea iyo Ethiopia ayaa loo diiday inay isku safraan mudadii dagaalka uu socday, iyadoo dadka ajnabiga ah ay ku qaadan jirtay in ay soo maraan dal 3-aad oo isku xiraya labada wadan.
GAROWE ONLINE