2019: Tiradda dadka ay Al-Shabaab ku dishay Kenya oo la shaaciyey

Image

NAIROBI, Kenya – Hay'adda Chrips ayaa tirakoob ku sameysay khasaaraha dhimashadda ee weeraradda Al-Shabaab ka fulisay Kenya sanadkii 2019-kii.

Tiradda guud ee geerida waa 83 ruux. Tani waxay ka dhigan tahay in 20 boqolkiiba ay ka badan tahay 2018-kii oo la dilay 56 qof.

Wadarta guud ee dhimashadda 42 kamid ah waa saraakiil ammaan. Intaas waxaa wehlisa in 26 kamid ah ay yihiin dad shacaba ah.

Weerarkii ugu dhimashadda badnaa wuxuu ahaa DusitD2, kaasoo dhacay bishii Janaayo 15-keeda, 2019. Dhacdadaas waxay galaaftay 20 qof.

Baareyaasha ayaa tibaaxay in 11 kamid ahaa maleeyshiyaadka Al-Shabaab ay ku geeriyoodeen falal kala duwan. Qaarkood waa la toogtay.

Qiimeynta ayaa muujineysa in ay kordheen weeraradda. 2018-kii waxaa la diiwaan-geliyey 23, halka 2019 ay dhaceen 34 weerar.

"Mandera iyo Wajeer waxaa midkiiba ka dhacay min Sagaal weerar, waana kuwa ugu badan," ayay raacisay faaladda oo si qoto dheer loo eegay.

Warbixinta ayaa daaha ka rogtay sanadkii 2019 la xiray 74 qof, oo 37 kamid ay yihiin shacab, halka 37 ay haayeen saraakiil boolis.

Gabagabadii, qormadda ayaa lagu soo afmeeray in sanadkii hore la afduubtay 12 qof, oo sagaal kamid ah ahaayeen shacab iyo saddex saraakiil ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM