300 caruur ah oo illaa hada sanadkan badda Mediterranean-ka

Image
Safarka doomaha ee Liibiya ama Tuniisiya ilaa Yurub caadi ahaan qiimihiisu waxaa uu gaarayaa $7,000.

NEW YORK, USA - Ugu yaraan 289 caruur ah ayaa ku dhintey badda lixdii bilood ee ugu horeysay sanadkan xilli ay isku dayayeen in ay gaaraan Yurub, sidda ay sheegtay hay’adda UNICEF.

Tiradan ayaa ku dhow laban-laabka tirada la diiwaan geliyay qeybtii hore ee sanadkii 2022. UNICEF ayaa intaas ku dartay in carruurtu ay safarro halis ah ku soo mareen badda Mediterranean-ka.

Verena Knaus, oo ah hogaanka caalamiga ah ee UNICEF ee socdaalka iyo barakaca, ayaa xustey in tirada dhabta ah ay u badan tahay in ay sare u kacdo lambarka hadda la hayo.

Qodobkan ayay ku sababaysay "maadaama ay jiraan doonyo badan oo ku burburtay Bartamaha Mediterranean-ka aysan cidna ka tagin ama aan la diiwaan gelin".

Qiyaastii wadar dhan 11,600 oo carruur ah ayaa ka tallaabay lixdii bilood ee ugu horreysay 2023 - waana ku dhawaad ​​laba jibaar in ka badan isla muddadaas 2022-ka.

Warbixin kooban oo uu ku siiyay xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva, Knaus waxay ku caddeysay in badi caruurtan ay ahaayeen kuwa aysan la socon waalidiintooda.

"Gabdhaha keligood safraya waxay si gaar ah ugu dhowdahay inay la kulmaan rabshado ka hor ama inta lagu jiro iyo ka dib safarkooda khatarta badan," ayay hadalkeeda raacisay.

Ugu dambeyntii, safarka doomaha ee Liibiya ama Tuniisiya ilaa Yurub caadi ahaan qiimihiisu waa $7,000, sidda laga soo xigtey UNICEF oo ku baaqdey in xal loo helo qaddiyaddan murugada leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM