Aabaha dhalay ra'iisul wasaaraha Itoobiya oo geeriyooday

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Aabaha dhalay ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa waxaa lagu waramayaa in Isniinta maanta ah uu geeriyooday.

Axmed Cali ayaa waxaa la sheegayaa in uu ku dhintay magaaladda Agaro Wereda oo ka tirsan Aaga Jimma Zone ee hoos-timaada is-maamul goboleedka Oromada.

Sidda uu shaaciyey Agarow Wereda, xafiiska warfaafinta gobolka, Marxuumka ayaa waxaa lagu aasi doonaa degaanka maalinta berri oo Talaado ah.

Xafiiska ma uusan fahfaahin sababta keentay dhimashadda Axmed, kaasi oo ahaa Oday waayeel isla markaana ahaa wadaad Muslim oo caan ah.

Sidda ku xusan taariikhaha laga diiwaan-geliyay Abiy Axmed, hooyadii, Tezeta Wolde oo horey geeriyootay waxay ahayd Masiixi bulshada Amxaarada kasoo jeeda.

Aabihii oo maanta dhintay ayaa guursadey Afar xaas. Abiy wuxuu ahaa cunuga 13aad ee Aabihii iyo midka lixaad iyo ubadka ugu da'da yar [Yaraanka] caruurta ay dhashay hooyadii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM