Aabaha dhalay ra'iisul wasaaraha Itoobiya oo geeriyooday

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Aabaha dhalay ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa waxaa lagu waramayaa in Isniinta maanta ah uu geeriyooday.

Axmed Cali ayaa waxaa la sheegayaa in uu ku dhintay magaaladda Agaro Wereda oo ka tirsan Aaga Jimma Zone ee hoos-timaada is-maamul goboleedka Oromada.

Sidda uu shaaciyey Agarow Wereda, xafiiska warfaafinta gobolka, Marxuumka ayaa waxaa lagu aasi doonaa degaanka maalinta berri oo Talaado ah.

Xafiiska ma uusan fahfaahin sababta keentay dhimashadda Axmed, kaasi oo ahaa Oday waayeel isla markaana ahaa wadaad Muslim oo caan ah.

Sidda ku xusan taariikhaha laga diiwaan-geliyay Abiy Axmed, hooyadii, Tezeta Wolde oo horey geeriyootay waxay ahayd Masiixi bulshada Amxaarada kasoo jeeda.

Aabihii oo maanta dhintay ayaa guursadey Afar xaas. Abiy wuxuu ahaa cunuga 13aad ee Aabihii iyo midka lixaad iyo ubadka ugu da'da yar [Yaraanka] caruurta ay dhashay hooyadii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM