Aadan Barre oo mar-qura "ka cararay" madal uu hadal ka jeedinayey
NAIROBI, Kenya – Hogaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya ayaa si degdeg ah u soo afjaray hadal-jeedin uu ka sameynayey munaasabad ka socotay Garissa markii gacan ka hadal uu ka dhacay goobta uu joogay.
Munaasabada uu joogay Aadan Barre Ducaale ayaa ahayd dayactir lagu sameeyay suuqa Garissa ee Waqooyi Bari waddanka Geeska Afrika dhaca ee Kenya.
Gacan ka hadalka ayaa u dhaxeeyay taageerayaasha Aadan iyo gudoomiyaha Garissa, Cali Korane, taasoo madasha u bedashay goob jahwareer uu ka jiro.
Jahwareerka waxa uu cirka isku si shareeray ka gedaal markii hogaamiyeyaasha ay is-dhaafsadeen erayo xanaf leh taasoo xaalada sii xumeysay.
Markii jawiga goobta uu isku rogay buuq, Cali Korane iyo Aadan Barre Ducaale, ayaa waxay si degdeg ah uga baxsadeen gaadiidkooda sida aadka ah loo ilaaliyo ee goobta ku sugeysay.
Xili dadka qaar ee u yimid madasha in ay dhageystaan hogaamiyeyaashooda ay waxyeelo soo gaartay ayaa mas'uuliyiinta iyo xildhibaano waxay goobta ka carareen iyaga oo bad-qaba.
Telafishinka KTN oo wareystay qaar kamid dadka ay waxyeeladu soo gaartay ayaa waxaa ka muuqatay dhaawacyo kasoo gaarey rabshadaha, iyaga oo codsaday in baxbaanadooda ay dowladdu ka shaqeyso.
Ciidamada Booliska oo dhacdadaasi kadib sameeyay howlgalo ayaa soo qabqabtay shaqsiyaad ay tuhunsan yihiin in ay gacan ka hadalka bilaabeen, waxaana haatan ku socota baaritaan.
Dhinacyadda ay taageerayashoodu gorada isku galeyn illaa iyo haatan wax war ah kama aysan soo saarin shilkan.
Tani ayaa imaaneysa iyadda oo khilaaf u dhaxeeya Aadan iyo Korane uu soo shaac-baxayey mudooyinkii dambe kaasoo salka ku haysa hogaanka maamulka Garissa iyo qaabka loo wajahayo doorashada soo socota.
Aadan Barre ayaa ku eedeeyay Korane in uu ku fashilmay wax ka qabashda baahiyaha dadka halkaasi dega balse gudoomiyaha Garissa waxa uu eedeyntaasi ku tilmaamay "farogelin qaawan".
GAROWE ONLINE