Abiy Ahmed oo ka hadlay rabshadaha ka socda duleedka Addis Ababa

Image

ADDIS ABABA - Ugu yaraan 23 qof ayaa lagu dilay rabshado dib uga soo cusboonaadey Itoobiya, oo lagu beegsanado dadka laga tirada badan yahay ee ku nool gobolka Oromada, gaar ahaan kuwa ku nool duleedka caasimada Addis Ababa, sida uu ku waramay Booliska.

Dhacadooyinkaan oo dharbaaxo ku ah dadaaladda dib-u-heshiisiinta uu wado Ra'iisul Wasaaraha dalkaan ayaa cirka isku sii shareertay Sabtidii, xili qas-wadayaasha ay beegsanayeen Guryaha ay ku dhaqan yihiin Dadka laga tirada badan yahay iyo goobahooda ganacsiga.

Rabshadaha ayaa lagu soo beegay Dibad-bax abaabulan oo lagu soo dhawaynayey xubno ka tirsan Jabhadda xorreynta Oromadda ee OLF, kuwaasoo musaafuris ahaan dalka uga maqnaa, muddo tobanaan sano ah, balse, dhowaan heshiis la galagalay dowladda.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warameysa in shaqaaqooyinkaan cusub ay ka dambeeyeen markii weeraro teel-teel ah lagu ekeeyay xarun degmo oo ka tirsan gobolka Oromada, gaar ahaan mid dhanka Waqooyi Galbeed uga beegan magaalada Addis Ababa.

- Falcelinta dowladda -

Warbaahinta dowladda ayaa ku warantay in ku dhwaad 300 illaa iyo 400 qof loo xiray ku lug-lahaanshaha Rabshadaha, balse, xili dambe oo Isniintii ah ayey soo warisay Wakaalada wararka u faafisa Itoobiya ee FANA in tirada saxda ah ee la xiray ay gaareyso 200 ruux.

Alemayehu Ejigu, ah madaxa Guddiga Booliska ee gobolka Oromada ayaa shaaca ka qaaday in Boolisku ay sameeyeen wax kasta oo karaankooda si ay uxakameeyaan Rabshadaha, isaga oo beeniyey inay yareed kaalintooda ka jawaabista rabshadaha.

"Kuwa ka dambeeyay rabshadaha cidna ma metalaan - mana jirto sabab ay kuwa kale u noqdaan tuugo. Qof walba wuxuu leeyahay xuquuq uu ugu noolaado [gobol] Oromada ama meelkasta," ayuu hadalkiisa kusii daray Alemayehu Ejigu.

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa si xoogan u dhaleeceeyay rabshadaha kuwaasoo ka dhacay tuulooyinka; Ashawa Meda, Kata iyo Fili Doro oo duleedka uga beegan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, xili uu shaaca ka qaaday inay jawaab ka bixin doonan.

"Weerarradan fulaynimada ah waxay u taagan yihiin welwel weyn oo ku wajahan midnimada iyo isku-kalsoonaanta dadkeenna, waxayna la kulmi doonaa jawaabta habboon," ayuu yiri Abiy Axmed, sida uu kasoo xigtay Madaxa Shaqaalaha ee xafiiskiisa, Fitsum Arega.

Oromada oo ah qowmiyada ugu badan ee dalka Itoobiya ayaa ka banaan-baxaysay sanadihii udambeeyay in la doodsiinayo xuquuqdooda, taasoo keentay isbedal ku dhaca hogaanka Itoobiya, xili Abiy Axmed loo doortey Ra'iisul Wasaaraha dalkaan, isaga oo bedalay Hailemariam Desalegn, kaasoo is-casilay bishii Febraayo ee sanadkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM