Abiy Axmed: Cabdi Illey iyo kooxdiisa cadaalad ayaa lasoo taagayaa

Image

ADDIS ABABA - Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in Madaxwaynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamed Cumar [Cabdi Illay] iyo xubnihii lasoo shaqeeyay ay yihiin cadaalad sugayaal, maxkamadna lasoo taagayo.

Cabdi Illay ayaa tan iyo bishii lasoo dhaafay waxa uu sugnaa magaaladda caasimada ah ee Addis Ababa ee xarunta dowladda Itoobiya, halkaasoo ay geeyeen Milatariga dalkaas, taasoo ka dambeysay kadib markii ay si xoog ah ay ku qabsadeen caasimada Soomaali Galbeed ee Jigjiga.

Abiy Axmed oo markii ugu horeysay suxufiyiinta madaxa banaan kula hadlay Addis Ababa shalay oo Sabti ahayd wuxuu yiri: "[Cabdi Illay] iyo xubnahii lasoo shaqeeyay waxay ku jiraan gacanta cadaaladda. Sidaas darteeda waa inaan sugnaa waxa ay Hay’addaha cadaaladda ka yiraahdaan."

Wasiirka koowaad ee Federaalka Itoobiya ayaa wuxuu qiray in nidaamkii Cabdi Illay uu dhibaato badan ugaystay dadka Soomaaliyeed ee ku hoos jira maamulka Itoobiya, isaga oo carabka ku adkeeyay in dowladiisa cusub ay qaadi doonto talaabooyin dadkaas ku qanci doonan.

“Dadka waxaan xog ogaal u ahay in la gelin jiray goobo ay lagu xanaaneeyo Xayawaanka wax gumaadda, sida Waraabaha, halkaasoo uu ku cuni jiray. Marka waxaan qaadi doonaa talaabooyin ehelka dadkaas wax loogu qabanayo oo ay ku qancaa,” ayuu Abiy hadalkiisa ku daray.

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ma uusan fahfaahin waxay tahay talaabadda cadaaladeed oo ay dowladiisa ka qaadeyso Cabdi Illay iyo xubnahii lasoo shaqeeyay.

Hay’addaha xuquuqda Aadanaha udooda ayuu Abiy Axmed ka dalbaday inay baaritaan qoto dheer ay ku sameeyeen fal-dambiyeedyadda uu galay maamulkii Cabdi Illay, kaasoo xilka Madaxwaynaha ee DDSI iska casilay bishii lasoo dhaafay ee Julaayo kadib cadaadis ka yimid Addis Ababa.

Mustafa Maxamed Cumar ayaa loo xushay inuu sii hayo xilka Madaxwaynaha labo todobaad ka hor inta aanan si KMG ah loogu dhiibin Axmed Cabdi Sheikh Maxamed, kaasoo kolkii dambe laga qaaday, waxaana haatan si rasmi ah loogu wareejiyay awooda Mustafa Maxamed Cumar [Cagjar].

Madaxwayne Cagjar ayaa wuxuu balanqaaday inuu degaanka kusoo rogo isbedalo waa wayn oo dhanka cadaaladda ah, isaga oo ku nuux-nuux saday in degaanka ay ka dhici doonto sanadka 2020 doorasho xor iyo xalaal ah, wuxuuna dhowaan heshiis la gaarey Jabhadda ONLF.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM