Abiy Axmed oo baahiyey khariirad liddi ku ah midnimadda Soomaaliya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa Axada maanta ah barahiisa bulshadda ku baahiyey khariirad liddi ku ah midnimadda iyo wadajirka waddanka Soomaaliya.

Khariiradda oo tan dalalka Geeska qaaradda Afrika ah waxay Soomaaliya ka jareysaa maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland.

Iyaddoo aaysan wali caddeyn ujeeda, qeybta la jaray ee Somaliland oo loo adeegsaday midab cadaan ah waxay khariiradda ku dareysaa badda.

Inkastoo uusan cudurdaar ka bixin, daqiiqado kadib, khariiradda ayaa laga saarey bogaga, waxaana lagu bedelay mid kale oo midabka cagaarka ah loo adeegsaday guud ahaan gobolka.

Sawirka waxaa la socday fariin ku qorneyd saddex luuqadood, taasoo ahayd: "Xoriyadda Dadkeenna - Barwaaqadda qarankeena!"

Bartamihii sanadkii hore ayay ahayd markii Itoobiya ay khariirada Afrika ka saartay Soomaaliya, wallow raaligelin ka bixisay. Talaabadaas waxay dhalisay carro xoogan.

Dhowaan sarkaal Itoobiyaan ah ayaa gobolka Gedo ee hoostaga Jubaland ka sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya "ay isku yihiin hal waddan".

Falcelinta

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa baraha bulshadda kaga falceliyey talaabadda Abiy.

"Madaxweyne Farmaajo hala weydiiyo waxa uu ka ogyahay QARIIRADA Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed maanta bartiisa twitter-ka ku baahiyey ee muujineysa Soomaaliya oo laga jaray gobollada Waqooyi ee Somaliland?" ayuu kusoo qoray boggiisa Facebook-ga.

Xukuumadda Abiy ayaa kamid ah dowladaha caalamka ee xiriirka dhow la leh maamulka Farmaajo tan iyo markii la doortay Febraayo, 2017.

Mashruuca is-dhexgalka Geeska qaaradda Afrika ayay si weyn kaga shaqeynayaan, waxaa wehlisa Eritrea oo ah waddan soo kabanaya.

Talaabada cusub ee Abiy ayaa timid iyadoo lagu eedeeyay in uu madaxda Somaliland u juujuubayo si ay Hargeysa ugu soo dhaweeyaan isaga iyo Farmaajo, talaabadaas oo mucaaraadka cambaareeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM