Abiy Axmed oo ka hadlay amniga dalka, balanqaadeyna doorasho xor ah
ADDIS ABABA, Ethiopia - Ra’isal wasaraha dalka Itoobiya Abiy Axmad oo markii ugu horeysay saxaafadda xorta ah iyo midda dowlada kula hadlay Addis Ababa Sabtidii shalay ayaa sheegey in dowlada xaqiijin doonta sharciga iyo kala dambeynta mar uu ka jawaabayey su’aal aheyd sababta qaybo dalka kamid ah ay amni xumo uga dhacdey.
“ Dhacdooyinkaan oo kale waxay yimadaan markii isbadal dhacayo.” ayui hoosta ka xariiqey Abiy Axmad.
Dhinaca barakaca ka socda degaano ka tirsan dalka, Ra’isal wasaaraha Itoobiya ayaa eeda dusha ka saarey dad gaar ah isagoo hoosta ka xariiqey iney rabshadahaan huriyaan.
“ Dowlada ayaa isku dayeysa iney sharciga horkeento kuwa ka dambeeya barakicinta dadka, waa in la helaa hay’ado dowli ah oo dabagal ku sameeya dadkaan.” Sidaas waxaa yiri Abiy oo ka jawaabaya su’aalo la xiriira amniga la’aanta ka jirta qaybo dalka kamid ah.
Ra’isal wasaare Abiy ayaa sheegey in xaalada amni ee gobolka Soomaalida hadda dagan tahay kadib markii dadaal balaaran ay sameeyeen siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobolkaas ka soo jeeda.
Isagoo ka jawaabaya su’aal la xiriirta rabshadaha ka dhacey degaanada Soomaalida Itoobiya ayaa RW Abiy sheegey in la damacsanaa in gobolkaan oo dhan amnigiisa la burburiyo iyadoo xitaa weerar loo gaystey muwaadiniin u dhalatey dalka Jabuuti.
Mar uu ka hadlay qaraxii ka dhacey Addis Ababa kaasoo lala beegsadey xilli isu soo bax uu ka hadlayey Ra’isal wasaraha Itoobiya ayaa sheegey in baaris lagu guddo jiro islamarkaana la soo bandhigo doono markii lasoo gabagabeeyo dadaalka loogu jiro in la ogaado cidii ka dambeysay.
Markii ugu horeysay taariikhda dalka Itoobiya ayaa Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed waxaa uu sameeyay balan-qaad ah in doorasho xor ah ka qabsoomi doonto dalkaan, sanadka 2020-ka, xilli uu xafiiska joogo mudo 5 bilood ah isagoo balan qaadey in aysan jiri doonin dib u dhac ku aadan doorashadaas.
Dalkan ku yaalla Geeska Africa, ee aan lahayn wax bad ah, islamarkaana ay shacabkiisu gaarayaan 100 Milyan ayaa waxaa ka socda isbedello taariikhi ah, tan iyo markii Abiy xafiiska loo doortay April 2018.
Hay'adda lacagta adduunka [IMF], ayaa u balan-qaadey inay siinayso Ethiopia $1 billion, oo si toos ah loogu kabayo miisaaniyadda dowladda bilooyinka soo socda.
Go'aankan IMF ayaa ka dambeeyay kadib markii Abiy Axmed uu sheegay in joojintii taageerada deeq-bixiyaasha ay sababtay in doorashadii 2005 ay ka dhacaan rabshado.
Isbedel dhanka dhaqaalaha iyo Siyaasadda ayuu la yimid Abiy markii la doortay, waxaana uu qaadey talaabooyin ay kamid yihiin inuu liiska argagaxisada ka saarey ururo mucaarad ah, isagoo xabsiyada kasii daayay kumanaan maxaabiis ah.
Abiy Axmed go'aankiisa ayaa kusoo beegmaya xilli Addis Ababa isla shalay ay heshiis nabadeed ay ku kala saxiixdeen Madaxweynaha cusub ee maamulka Soomalida, Mustafa Maxamed Cumar iyo ONLF. [Halkan ka akhri warka]
GAROWE ONLINE