Abiy Axmed oo dalbadey la kulanka madaxweynaha Eritrea

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa maanta oo Khamiis ah shaaca ka qaadey in uu doonayo la kulanka madaxweynaha waddanka deriska la ah ee Eritrea.

Abiy Axmed ayaa hoosta ka xariiqay in uu rabo in Isaias Afwerki uu kala xaajoodo sidii dib loogu bilaabi lahaa dedaalada nabada ee hakadka ku jira.

"Waxaan rabaa in aan u mahadceliyo Itoobiyaanka iyo dadka Eritrea, waxaan doonayaa in aan si gaar ah ugu mahadceliyo madaxweyne Isaias Afwerki," ayuu yiri.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Abiy Axmed ayaa wuxuu intaas ku daray: "Waxaana rajeynayaa in aan dhowaan kulmi doono [Afwerki]".

Hadalkan ayuu Abiy u sheegay warbaahinta markii uu maanta dib ugu laabtey Addis Ababa, caasimadda dalka Itoobiya.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa ayaa kasoo laabtey Norway, halkaas oo lagu soo gudoon-siiyey abaalmarinta nabadda caalamka, taasoo uu ku muteystay soo afjarida colaadii Itoobiya iyo Eritrea.

Isaias iyo Abiy oo talaabada ay qaadeen uu caalamka soo dhaweeyay ayaa markii ugu dambeysay kulmay bishii July ee 2019, xilligaas oo ay isku arkeen Asmara, magaalo madaxda Eritrea.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya iyo Ruushka oo heshiis ka gaaray joojinta qorista muwaadiniinta Kenya ee ciidamada Ruushka

Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo Kenya ay walaac ka muujisay wararka sheegaya in muwaadiniinteeda lagu qortay ciidamada Ruushka.

  • Afrika

    31-10-2026

  • 05:16AM

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM