Abiy Axmed oo Eritrea ku tegay socdaal laga warbixiyey ujeedkiisa

Image
Image
Image
Image

ASMARA, Eritrea – Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa Sabtida maanta ah wuxuu booqasho aan lasii shaacin uu ku tegay caasimadda Eritrea ee Asmara.

Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa garoonka diyaaradaha Asmara wuxuu si diiran ugu soo dhaweeyay Abiy iyo wafdiga balaaran ee uu horkacayo.

Yemane Meskel, wasiirka warfaafinta Eritrea oo safarka Abiy ku sifeeyay "mid shaqo" ayaa xaqiijiyey in labada hogaamiye ay shir gaar yeelanayan.

Sidda laga soo xigtay qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka, labada mas'uul ayaa kawada hadli doona "xoojinta cilaaqaadka laba geesoodka ah".

"…sidoo kale, arrimo ku saabsan gobolka," ayuu Meskel raaciyey hadalkiisa, isagoo baahiyey sawiradda soo dhaweynta iyo kuwa madaxtooyadda.

Wafdiga Abiy Axmed waxaa qayb ka ah Wasiiru Dowle danjire Ridwaan Xuseen, iyo afhayeenka baarlamaanka Itoobiya, Mr Tagesse Chaffo.

Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa kawada shaqeynaya mashuruc ay u bixiyeen Is-dhexgalka Geeska Afrika iyo Iskaashiga dhanka amniga, dhaqaalaha iyo ganacsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM