Abiy Axmed oo fal-celin adag kala kulmay qoraal uu kasoo saarey dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya

Image

ADDIS ABABA - Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa cambaareyn xooggan kala kulmay qoraal uu shacabka dalkiisa ugu hambalyeeyey guushii ciidamada Itoobiya ka gaareen dagaalkii 1977 la galeen ciidamada Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar iyo siyaasiga kasoo jeeda qomiyadda Oromada ee Jawar Maxamed ayaa ka fal-celiyay hadalka Abiy Axmed, oo gef ku tilmaamay.

Cagjar ayaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook in dagaalkii 1977-dii Soomaaliya ku qaaday Itoobiya uu ahaa mid Gumeysiga looga xoreynayey dhulka ay Soomaalida degto ee dalkaasi.

“Dhamaan halgamadii shacabka Soomaali galbeed waxay ahaayeen halgamo gumaysi-diid oo xalaal ah. Dagaalkii 1977kii wuxuu ahaa uun marxalad ka tirsan halgamada lagu diidanaa gumaysiga. Waa inaan ka run sheegnaa taariikhdeena oo aan diidnaa in cid kale inoo macneyso taariikhdeena. Shuhadadii ku dhimatay difaaca dalkooda iyo dadkoodu waxay inaga mudan yihiin xus iyo maamuus joogta ah, iyagaana muddan Taalo in loo dhiso,” ayuu yiri Cagjar.

Itoobiya ayaa khamiistii lasoo dhaafay laga xusay sanad-guuradii 42aad ee kasoo wareegtay guushii Karamardha [March 5, 1978], taasoo askarta Itoobiya ka gaareen dagaal dalkooda uga soo saareen ciidankii Soomaaliya ee qabsaday dagaalkii 1977 qeybo katirsan dalkaasi.

Abiy Axmed ayaa hambalyo ku aadan xuska munaasabadan u jeediyay shacabkiisa, isagoo ku amaaney kuwii ka qeybqaatey dagaalka inay ahaayeen geesiyaal difaacay wadankooda hooyo, islamarkaana sida uu sheegay jabweyn gaarsiiyay cadowgii kusoo duulay [Ciidamada Soomaaliya].

“Dagaalkii 1977-dii dhacay wuxuu ku soo beegmay xilli ay Itoobiya la daalaa dhaceysay kacaanka cusub ee dalkaasi ka dhashay, dalka gudahiisana ay ka jireen dagaallo sokeeye, dalalka shisheeye ee Itoobiya soo weeraray si la mid ah ayuu Siyaad Barrana u sameeyey khalad la mid ah Dowladdi Mangiste ee xilligaasi jirtay oo shacabka Itoobiya ugu baaqday iney dalkooda difaacdaan ayaa mudda gaaban guul ku soo hoyey oo cadawgi dalka Itoobiya soo weeraray ka guuleystay” ayuu hadalkiisa raaciyay Abiy Axmed.

Qoraalka Abiy Axmed oo ku qornaa afka Amxaariga ayaa sidoo kale ku yiri: “Siyaad Barre wuxuu sameeyay khalad weyn, waayo wuxuu ku fekeray inuu qabsado Itoobiya, kadibna uu dhulkeeda iska haysan karo, taasina waxaa kahor yimid shacabka Itoobiya oo u istaagay difaaca dalkooda.”

Jawar Maxamed, oo Abiy Axmed isla qowmiyada Oromada kasoo wada jeedaan, islamarkaana loo arko shaqsi taageero badan ka haysta gobolkiisa ayaa ka hadlay xuska iyo hadalka uu kasoo saarey Abiy Axmed guushii Karamardha.

Siyaasigan ayaa qoraal uu isna Facebook soo dhigay ku sheegay in hadalka Abiy Axmed uu yahay mid kicinaya dareen qowmiyadeed, islamarkaana dhibaato u keenaya nidaamka Federaalka ee Itoobiya.

“Waxay u muuqataa in ugu danbayn walaalaheena Somalida ay garteen mashruuca gumeysiga casriyeeysan, ee lagu kariyay Shagar, hadii aad u maleeyneysid Karamardha ineey tahay mid la karantiilay oo u dhacdey si aan ula kac ahayn, Aad beey kaaga qaldan tahay, si qoto-dheer ugu fiirso gebi ahaanba Mashruucaan sida dherag-dhacsiga ah ee mala-awaalka ah” ee lagu cusboonaysiinayo maalmihii Madoobaa," ayuu yiri Jawar.

"Kaca oo istaaga, aan wada difaacano Federaaliisimkeena Qowmiyadaha, ee sida dhibka badan aan Ku keeney, aana ka shaqeyno sidii aan u gaarsiin lahayn hanaan dimuqraadi ah," ayuu Jawar ku daray hadalkiisa uu ugu jawaabayay Abiy Axmed.

Abiy Axmed ma uusan xusin dad badan oo kasoo jeeda gobolka Soomaalida degto oo ku dhintay dagaalka, sida uu ku doodayo Jawar, isagoo tilmaamay in halganka uu ahaa mid qomiyado badan ka qeybgaleen.

Guushii Karamardha ayaan laga xusin Itoobiya 27-ki sano oo ay jirtay dowladdi xisbiga TPLF, waxaa hadda xuskeeda dib loo billaabay sanadkan oo uu dalka Itoobiya Ra’iisal wasaare ka yahay Abiy Axmed.

Ku dhawaad 16,000 askari oo u dhashey  dalka Cuba ayaa ciidamada Itoobiya kala qeybqaatey dagaalkii 1977, ay la galeen ciidanka Soomaaliya, taasoo u horseeday inay gaaraan guusha Karmardha.

Sidoo kale, boqolaal askari oo laga keenay Koonfurta Yamen ayaa qeyb ka ahaa dagaalkii Itoobiya la gashay Soomaaliya, xilligaasi oo wadanka uu ka talinayay Maxamed Siyaad Barre, oo xukunka 1969 ku qabsaday afgembi military.

Abiy oo xiriir dhaw kala dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo ayaa sanadkii tagey la gudoonsiiyay abaalmarinta Nobel Peace Prize, taasoo ku muteystay nabadeynta dalkiisa iyo Eritrea oo dagaalkii u dhaxeeya 20 sano isaga kusoo afjaray mudo yar gudaheeda, oo xafiiska uu joogay.

Hadalka Abiy ee ku aadan Guushii Karamardha ayaa imaanaya iyadoo sanadka la filayo inay Itooboya ka dhacdo doorashada guud, oo baarlamaan iyo Ra’iisul wasaare cusub shacabka ku soo dooran doona.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Axmed: Hab nabadeed ayaan ku raadineynaa marin badeedka

Hadalkan ayaa wuxuu ka hor-imaanayaa hanjabaadihii hore ee ku aadanaa in ay dagaal u galayaan.

  • Afrika

    02-11-2024

  • 05:30AM

Cholo Abdi: Ninka kooxda AS u fulin rabay weerar lamid ah dhacdadii 9/11

Eedeysanahan ayaa u dhashay Kenya waxaana uu tababar kusoo qaatay dalka Filipin.

  • Afrika

    30-10-2024

  • 01:28PM