Abiy Axmed oo iska indha-tiray wadahadalkii telefoonka ee Farmaajo

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul wasaaraha waddanka Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa ka fogaadey in uu Twitter-kiisa kusoo hadal-qaado wadahadalo dhanka telefoonka oo uu la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shaaciyey in shalay ay kawada hadleen Abiy siddii ay isaga kaashan lahaayeen ka hortagga fayruska Corona oo kiisas la xiriira laga helay labada waddan ee deriska ah.

"Wadajirka waxaan kaga bixi karnaa dhibaatada," ayuu kusoo gabagabeeyay hadakiisa madaxweynaha Dowlada Soomaaliya.

Balse xaqiiqada layaabka leh ayaa ah in Abiy uusan Twitter-kiisa ku shaacin wadahadalkaas xili uu soo bandhigay hogaamiyeyaal kale oo uu telefoonka kala xaajoodey arrimo uu Covid-10 kamid yahay.

Madaxweyneyaasha Turkiga, Recep Tayib Erdogan, iyo Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayuu Abiy soo bandhigay in uu telefoonka kula hadlay.

Lama ogga sababta ka dambeysa talaabada uu Abiy isaga indha-tiray wada-xaajoodka Farmaajo, waxayna dhalisay su'aallo iyo hadalheyn badan.

Labadan hogaamiye ayaa xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeyay sanadihii lasoo dhaafay, waxaana ay kawada shaqeynayaan mashruuca is-dhexgalka gobolka Geeska qaaradda Afrika kaasoo caqabado la kulmay.

Balse bishii hore waxaa soo kala dhex-galay mugdi  markii Soomaaliya ay taageertay qaraar ku saabsan is-haysiga webiga Nile kaasoo lagu cambaareeyay xukuumadda Addis Ababa laguna taageerayo Masar.

Villa Soomaaliya ayaa ka noqotay go'aankaas kadib cadaadis kaga yimid Abiy Axmed. Mucaaraadka gudaha way caambaareeyeen talaabada xukuumadda Muqdisho.

Ra'iisul wasaare Khayre wuxuu u duulay Addis Ababa "si uu u muujiyo in Soomaaliya ay garab taagan yahay maamulka Abiy".

Tan iyo markii uu xafiiska yimid Abiy, ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya ayaa ku lug-yeeshay falal siyaasadeed oo loogu daneynayo maamulka Farmaajo sidda; faragelinta gobolka Gedo iyo doorashadii Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya: Gabdho Soomaali ah oo lagu qabtay $560,000 oo false ah

Saraakiisha DCI-ga ayaa sheegay in lacagta been abuurka ah ay ku jirtay xaalad aad u adag oo dadka qaarkiis aysan si fudud u garan karin.

  • Afrika

    30-08-2025

  • 05:43PM

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM