Abiy Axmed oo ku laabtay Eritrea, booqdeyna Dekadda Assab

Image
Image
Image

ASMARA - Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa markale booqasho kedis ah ku tagey Eritrea, isagoo booqday dekado ku yaalla dalkan ku yaalla Geeska Africa, ee coladda kala dhaxeysay mudada 20-ka sano.

Abiy Axmed iyo wafdigiisa oo kasoo laabtay magaalada Beijing oo ay uga soo qeybgaleen shirkii 7aad ee Madasha Iskaashiga China iyo Africa oo dhacay 3 iyo 4 bishan ayaa waxaa kuso dhaweeyay garoonka Isaias Afworki.

Ra'iisul Wasaare Abiy ayaa u kuurgalay sida ay u shaqeyso dekadda weyn ee Assab, waxaana kadib uu sidoo kale kormeeray wado 71-KM ah oo isku xirta Xaduudda Itoobiya iyo Dekadda.

Wararka ayaa sheegaya in Abiy Axmed uu galabta booqanayo Dekad kale o lagu magacaabo Massawa, oo kamid ah dekadaha Eritrea ee Itoobiya ay doonayso inay kasoo degsato alaabaha ganacsiga, ee uga yimadda dhanka dibadda.

Dekadda Massawa ayaa la filayaa inuu maanta kusoo xirto Markabkii ugu horeeyay mudo 20 sano ah, oo shixnado ganacsi u sida dalka Itoobiya, kaasoo ka yimid dhanka dalka Sacuudiga.

Markabkaan oo lagu magacaabo “Mekelle”, ayaa waxa uu u raran yahay shirkadda Ethiopian Shipping and Logistics Services Enterprise (ESLSE).

Warbaahinta Eritrea ayaa baahisay in “Mekelle” uu ka qaadi doono Dekadda 11,000 tan oo waxyaabo laga sameeyo maadada "Zinc" taasoo ku kacaysa lacag gaareysa $618,825. Shixnadda ayaa waxaa loo qaadayaa dalka Shiinaha.

Sida laga soo xigtay Warbaahinta dowladda Itoobiya [Ethiopian Broadcasting Corporation (EBC)], Abiy ayaa mudo labo maalmood ah sii joogi doona Eritrea, halkaasoo uu ka dhacayo kulan saddex geesood ah oo u dhaxeeya isaga iyo Madaxweniyaasha Soomaaliya iyo Eritrea. 

Itoobiya waxay leedahay 12 Markab oo kuwa xamuulka qaada iyo labo kuwa Kunteenarada xambaara, kuwaasoo lagu sameeyay lacag deyn ah oo dowladda Shiinaha ay siisay.

Dhamaan maraakiibtan ayaa lo bixiyay magacyada magaalo madaxyada gobollada Ismaamulka ka dhisan ee dalka Itoobiya. Itoobiya ayaa heshiis la gashay Eritrea bishii July ee sanadkan, kasoo lagu soo afjaray colaaddii u dhaxeysay.

Heshiiska ayaa yimid kadib markii labada dal uu dagaal ku dhexmaray xuduuda 1998 iyo 2000, kaasoo ay ku dhinteen kumanaan qof, islamarkaana malaayiin kale ay ku barakaceen.

Kadib heshiiskooda, Addis Ababa iyo Asmara ayaa isku raacey inay dib usoo celiyaan cilaaqaadkooda diblomaasi, waxaana dal kasta uu safaaradiisa ka furtay Caasimadda dalka kale, iyagoo sidoo kale isku furay isku socodka shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM