Abiy Axmed oo socdaal laba maalin ah ay uga bilaabatay Israel

Image

TEL AVIV, Israel – Kadib martiqaad uu ka helay Benjamin Netanyahu, ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ku tegay Israa'iil socdaal laba casho ah.

Abiy ayaa waxaa wehliya Gedu Andargachew, wasiirka arrimaha dibadda, Lemma Megersa, wasiirka difaaca iyo xubno kale.

Soo dhaweyn kadib, waxaa loo galbiyey goob gaar ah oo loo qorsheeyay in ay ku sugnaadaan inta ay booqashada ku joogan Yahuuda.

Wasiirka koowaad ee xukuumada Addis Ababa ayaa la balansan dhigiisa Netanyahu iyo madaxweyne Reuven Rivlin, isaga oo booqan doono xarumo kala duwan.

Itoobiya iyo Yahuuda ayaa waxay wadagaan xiriir iyo iskaashi dhanka beeraha, biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo arrimo kale.

Dhinacyadda ayaa waxay kawada xaajoon doonan arrimaha daaran qodobaasi, gaar ahaan xoojinta gulufka ka dhanka ah jabsashada computer-ka.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Itoobiya ayaa waxay intaasi raacisay in ay jiri doonan is-afgaradyo ay daraf-yadda qalinka ku jiidi doonan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM