Abiy Axmed oo xal u raadinaya xiisada Soomaaliya iyo Kenya
ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Dr Abiy Axmed ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay xiriirka sii xumaanaya ee dowladaha deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.
Isaga oo la hadlayay laanta Af-Amxaariga VOA-da ayuu shaaca ka qaaday in maadaama hadii cilaaqaadka uu sii xumaado uu saameynayo wadankiisa uu donayo in uu xal u raadiyo is-qabqabsiga.
Hadalkaan ayuu Abiy sheegay markii la waydiiyey in uu sharaxaad ka bixiyo waxa uu kala jeeda in ay Eritrea kala kaashan doonan xalinta dhamaan arrimaha ay labadda dowladood wajahayaan.
"Hadii aan soo qaato dhibaatada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaanu doneynaa in Eritrea iyo Suudaanta Koonfureed, oo ay wehliso Ethiopia, in aan mid kasta oo kamida ka caawino oo aan ka taageerno sidii ay u xalin lahaayeen arrimahaasi," ayuu yiri.
Isaga oo sii hadlaya ayuu raaciyey: "Waanu ognahay dhibaato kasta oo u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya waxay kusoo biyo shubaneysaa dhankeena, Sababtaasi darteeda, waxaan jeclaan lahaa in aan kala shaqeyno sidii loo xalin lahaa iyadda [dhibaatadda].
Xiisada Muqdisho iyo Nairobi ayaa salka ku haysa dacwad hortaala maxkamadda cadaaladda aduunka ee ICJ taasoo ku saabsan damac Kenya uga jiro biyaha Soomaaliya oo ay qeyb kamida sheeganeyso.
Kenya oo dooneysa in dacwada dib loosoo celiyo si hoosena loo dhameeyo arrinta ayaa qaaday todobaadyadii lasoo dhaafay talaabooyin ay cadaadis siyaasadeed ku saareyso Soomaaliya kuwaasoo la sheegay in aysan "derisnimada u fiicneen".
Ficilada Kenya waxaa kamid ahaa joojinta duulimaadka tooska ee Muqdisho-Nairobi, inay mas'uuliyiin Soomaaliyeed kasoo celisay garoonka Jomo Kenyatta, howlgalo ka dhan ah Soomaalida iyo xayiraad shixnaha Soomaaliya laga qaado.
Dadka ayaa is-waydiinaya waxa uu noqon karo doorka Abiy Axmed uga banaan qaboojinta xiisada xili uu Nairobi horey ugukulan siiyey Farmaajo iyo Kenyatta balse ma aysan kasoo bixin natiijo waarta.
Falanqeeyayaasha arrimaha gobolka ayaa rumeysan in Abiy oo lasoo baxay siyaasad dardar leh oo isbedel ah kaliya ay baahan tahay in uu wadahadalsiiyo labada hogaamiye kuwaasoo go'aanka iyaga qaadanaya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey uga dhawaajisay in aysan kasoo laaban doonin dacwada ay gudbisay, taasoo go'aankeeda ugu dambeeya uu soo bixi doono dhamaadka sanadkan.
GAROWE ONLINE