Abiy Axmed: Shirqool lagu kicin lahaa dagaal sokeeye ayaan fashilinay

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa maanta sheegay in rabshadaha dalka ka dhacay saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ay ahaayeen isku day lagu doonayo in lagu kiciyo dagaallo sokeeye, balse hadda la fashiliyey.

Abiy ayaa ka hadlayey kulan uu magaalada Addis-Ababa kula qaatay saraakiisha sarsare ee rayidka iyo saraakiisha ciidamad, sida uu sheegay telefishanka dawladda ee ETV.

Telefishanka Ethiopia ayaa wariyey in "87 qof, oo ay ku jiraan afar sarkaal oo bolis, ay naftooda ku waayeen rabshadaha”, sidda laga soo xigtay taliyaha bilayska gobolka Oromia.

Ra’iisul Wasaare Abiy wuxuu sheegay in abaabulayaasha rabshadaha la qabtay, isaga oo taas uga mahad celiyay ciidamada ammaanka.

Rabshadaha ayaa ka billowday dalka ku yaalla Geeska Afrika Talaadadii, kadib dhimashadii heesaa iyo u dhaqaaqe bulsho Hachalu Hundessa.

Hundessa, oo 36 jir ahaa, ayaa waxaa magaalada Addis-Ababa ku toogtay dabley aan la garanaynin.

Fannaanka caanka ahaa ayaa Khamiista lagu aasay gurigiisa oo ku yaal magaalada Ambo, oo qiyaastii 100 kiiloomitir (62 mayl) Galbeedka ka xigta Addis Ababa.

Hundessa wuxuu ahaa nin caan ka ahaa mudaaharaadyadii lagaga soo horjeeday dawladda ee socday saddex sano kahor inta aanu xukunka iman Abiy, oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada.

Intii lagu guda jiray mudaaharaadyadii horseeday inay dhacdo dowladdii hore 2018, wuxuu noqday codka dadka Oromada.

Dhanka kale, Golaha Warbaahinta ee Itoobiya ayaa maanta soo saaray digniin ka dhan ah warbaahinta mucaaradka, iyagoo ku eedeeyay inay kicinayaan rabshado qowmiyadeed. Agaasimaha guddiga Getachew Denku ayaa ugu baaqay xarumaha ay mucaaradka maamulaan ee Tigray Media House, Oromo Media Network, iyo Demtseweyane "inay joojiyaan kicinta rabshadaha qowmiyadeed oo aysan dalka khalkhal gelin.” Xarumahan ayaa loo diray warqad loogu digayo in la xiri doono

Adeegga Internetka ayaa wali ka xiran meelo ka mid ah Ethiopia, tan iyo Talaadadii.

Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo walaac ka muujiyey xaaladda waddanka Itoobiya ayaa ugu baaqay dhinacyadda siyaasadda in ay ka fogaadaan wax walba oo sii hurin kara colaadda, iyagoo adkeeyay ahmiyadda ay leedahay xasiloonida.

GO + VOA 

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM