Abiy oo madaxweyne ku meelgaar ah u magacaabay gobolka Tigray

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa shaaciyey in Dr. Mulu Nega uu u magacaabay madaxweynaha ku meelgaarka ah ee ismaamulka waqoyga dalkaas ku yaala ee Tigray.

Magacaabida ayaa waxay imaaneysaa maalmo kadib markii Baarlamaanka waddankaas iyo Golaha Wasiirada waddankaas ansixiyeen in maamul ku meelgaar ah loo yagleelo gobolkaas colaada ka oogan tahay.

Sidda ay warisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Itoobiya, Dr. Mulu ayaa soo xulan doono madaxda hay'addaha kale ee ka howlgala gobolka si ay u sii gutaan waajibaadkooda waafaqsan sharciga.

"Magacaabida Dr. Mulu Nega waxay ku saleysan tahay go'aanka Golaha Federaalka iyo Xeerka Golaha Wasiirada ee khuseeya Maamulka Ku-meelgaarka ah ee Dawlad Gobolleedka Tigreega," ayuu Tv-ga FANA tabiyey.

Abiy oo Khamiistii soo duubay muuqaal ayaa sheegay in ciidamadda ay la wareegeen galbeedka ismaamulka Tigray. Hasayeeshee, ma jiro illo madax-banaan oo xaqiijinaya guusha uu sheeganayo mas'uulkan.

"Xasuuqii todobaadkii hore lagu gumaadey wiilasha iyo gabdhaha [askarta qaranka] ee taliska waqooyi waxaa maleegtay TPLF. Ficilada noocaan ee foosha xun waxay nagu reebeen in aan wax kala dooran weyno oo aan ka ahayn in aan kicinayo ciidanka si ay u qaadaan howlgalka milatari si loosoo afjaro sharci-darada ka jirta gobolka [Tigray]," ayuu ku yiri fariintiisa muuqaalka ah.

Gobolka Tigray iyo maamulka Abiy ayaa dagaal uu dhexmarayaa muddo ka badan todobaad. Sidda ay sheegeen illo madax-banaan, waxaa geeriyooday boqolaal, halka ay kumanaan kale ay u qaxeen waddanka Sudan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM