Abiy oo wajahaya madax-xanuun horleh oo ku saabsan doorashooyinka
ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed iyo xisbigiisa Barwaaqo Sooranka, ayaa wajahaya culeys siyaasadeed oo ku saabsan doorashooyinka heerka federaal ee soo aadan.
Xisbiyadda Mucaaradka ayaa ganafka ku dhuftay go'aankii Guddiga doorashooyinka ee ku aadan in aysan coddeyntu qaban karin xilligii loogu talagalay sababo la xiriirta safmarka Coronavirus.
Inkastoo kaalintooda su'aal la geliyey, baarlamaanka Itoobiya ayaa taageeray go'aanka uu gaarey Guddiga doorashooyinka.
Mudda xileedka dowladda Abiy ayaa dhacaya 10-ka bisha October ee sanadkan 2020, sidda uu xeerinayo Dastuurka Itoobiya.
War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen xisbiyadda mucaaradka ayay ku muujiyeen in aysan ogolaan doonin hal maalin oo ay ku kordhisato xukuumadda Abiy, waxayna ku tilmaameen "sharci darro".
Soo jeedinta ka timid dowladda oo ku saabsan qaabka looga baaqsan karo qalalaaso dastuuri ah ayay tibaaxeen in dhamaantooda ay yihiin kuwa hareer-marsan dastuurka "una xaglinaya xukumadda".
"Dastuurku ma oggola in lagu dhawaaqo xaalad degdeg ah oo si gaar ah dib loogu dhigo doorashada ama la dheereeyo muddada dowladda. Kala diridda baarlamaanka sidda ku xusan qodobka 60-aad oo keliya ayaa oggolaanaya in doorashada la qabto ka hor dhammaadka muddada shanta sano ah. Qodobkaan looma gudbin karo si loogu oggolaado muddo kordhinta muddada shanta sano ka badan. In la sameeyo wax ka badal dastuurka si loogu daro qodobka ama qodobka u saamaxaya dib u dhigga doorashada iyo/ama kordhinta muddada xilka ma ahan oo keliya mid burineysa dastuurka, waa geedi socod adag oo u baahan dood dadweyne iyo ka doodid, taas oo aan la samayn karin inta lagu jiro aafo faafa si kasta loo dhigee," ayay ku sheegeen qoraalka.
Soo jeedinta afaraad ee xukumadda Abiy Axmed miiska soo saartay si looga baaqsado qalalaaso siyaasadeed ama dastuuri oo ka dhalata dib-u-dhaca doorashooyinka waa tafsiirida dastuurka.
Tani macnaheedu waa baarlamaanka uu keeno xal looga gudbo is-haysadka siyaasadeed. Hase ahaatee, xisbiyadda mucaaraadka ayaa ku adkeystay in xukuumadda ay haysato aqlabiyada xeer-dejinta.
"Intaa waxaa sii dheer, tarjumaadda dastuuriga ah ee ay sameysay hay'ad sharci-dejineed oo uu si weyn u maamulo hal xisbi, oo xubnaheeda lagu soo doortay doorasho aan ognahay in la musuq maasuqay, ayaa la macno ah in lagu soo rogi doono rabitaanka hal xisbi. Sidaa daraadeed, haddii ay jiraan, doorashadani waxay baabi'ineysaa sharcinimada dowladdan xitaa ka sii badan, halkii ay deynsan lahayd aqoonsi," ayay daboolka ka qaadeen.
Wallow uu la qabo doodooda, Xisbiga Tigreyga oo aan qeyb ka ahayn Golaha Iskaashiga Mucaaradka ayaa soo jeediyey wadahadalo iyo heshiis siyaasadeed oo laga gaaro muranka doorashooyinka.
War-saxaafadeed kasoo baxay kulan ay yeesheen ayay kaga digeen "musiibo ka dhalata" doorashooyinka oo loo baajiyo Covid-19, waxay carabka ku dhufteen in ay gobolkooda ka qabsan doonan doorasho.
Awelu Abdu, madaxa xiriirka warbaahinta iyo arrimaha dibadda ee xisbiga Barwaaqa Sooranka oo difaacay garabkiisa siyaasadeed, ayaa meesha ka saarey in ay doonayaan awooda oo ay maroorsadaan.
Doorashooyinka soo aadan ee Itoobiya ayaa la aaminsan yahay in ay sawir cad ka bixin doonan taageeradda uu haysto ra'iisul wasaare Abiy Axmed iyo jihada uu wadankaan cagta sarayo sanadaha soo aadan.
GAROWE ONLINE