Abiy: Waxaan helnay meydadka ciidanka Qaranka oo ceeji lagu dilay

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul Wasaaraha waddanka Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa Khamiista maanta ah wuxuu shaaca ka dhigay in xoogaga Tigrayga ay ciidamadda difaaca federaalka kula kaceen "ficilo arxan darro ah".

Wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa ayaa tilmaamay in milatariga qabsaday magaalada Shiraro ay heleen meydka ciidamadda qaranka oo la toogtay iyagoo garba-duub u xiran iyo qaar ceeji lagu dilay.

"Jeegaanta hunguriga weyni waxay neefsaneysaa cadaalad darro maadaama naxariis darro ka jirto dhulkooda," ayuu tibaaxay.

Wuxuu ku daray: "Xasuuqa ay geysteen jeegaanka TPLF waa wax laga naxo. Jeeganka waxay u taagan tahay in ay burburiso Itoobiya. Balse way ku fashilmeen; qaranka wuxuu ka qiimo badan yahay Diamond-ka".

"Qaranka wuu dulqaadanayaa dadweynaha, waxaana ciidamada ay maxkamadeyn doonaa maleyshiyaadka dhamaadkoodu dhowyahay," ayuu xusay.

Aduunka ayuu waydiistay in ay si dhow ula socdaan fal-dambiyeedyadda ay xoogaga TPLF-ta kula kaceen Ciidamadda Difaaca Itoobiya.

Warsidaha Garowe Online ayaan si madax-banaan u xaqiijin karin dhamaan eedeymaha uu jeedinayo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Tigrayga iyo maamulka Abiy ayaa isku-maan-dhaafay qodobo ay kamid yihiin maxkamadeynta xadgudubyadii horey u dhacay, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo qabsoomida doorashooyinkii loo madalsanaa August, 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM