Abiy: Waxaan helnay meydadka ciidanka Qaranka oo ceeji lagu dilay

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul Wasaaraha waddanka Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa Khamiista maanta ah wuxuu shaaca ka dhigay in xoogaga Tigrayga ay ciidamadda difaaca federaalka kula kaceen "ficilo arxan darro ah".

Wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa ayaa tilmaamay in milatariga qabsaday magaalada Shiraro ay heleen meydka ciidamadda qaranka oo la toogtay iyagoo garba-duub u xiran iyo qaar ceeji lagu dilay.

"Jeegaanta hunguriga weyni waxay neefsaneysaa cadaalad darro maadaama naxariis darro ka jirto dhulkooda," ayuu tibaaxay.

Wuxuu ku daray: "Xasuuqa ay geysteen jeegaanka TPLF waa wax laga naxo. Jeeganka waxay u taagan tahay in ay burburiso Itoobiya. Balse way ku fashilmeen; qaranka wuxuu ka qiimo badan yahay Diamond-ka".

"Qaranka wuu dulqaadanayaa dadweynaha, waxaana ciidamada ay maxkamadeyn doonaa maleyshiyaadka dhamaadkoodu dhowyahay," ayuu xusay.

Aduunka ayuu waydiistay in ay si dhow ula socdaan fal-dambiyeedyadda ay xoogaga TPLF-ta kula kaceen Ciidamadda Difaaca Itoobiya.

Warsidaha Garowe Online ayaan si madax-banaan u xaqiijin karin dhamaan eedeymaha uu jeedinayo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Tigrayga iyo maamulka Abiy ayaa isku-maan-dhaafay qodobo ay kamid yihiin maxkamadeynta xadgudubyadii horey u dhacay, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo qabsoomida doorashooyinkii loo madalsanaa August, 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM

Midowga Afrika iyo IGAD oo wada Dadaallo Lagu Badbaadinayo Heshiiska Nabada South Sudan

Waxaa sidoo kale la is weydiinayaa in wafdigani ay fursad u heleen la kulanka Madaxweyne Ku Xigeenka Koowaad Riek Machar.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 08:34AM