Afduubka dhakhaatiirta Cuba oo iftiiminaya xiriirka Kenya-Al-Shabaab
NAIROBI, Kenya – Maleyshiyaadka Al-Shabaab, oo sheegtay qafaalashada laba dhakhtar oo reer Cuba ah, ayaa haatan cod-sanaya madax furasho gaareysa 150 milyan oo lacagta dalka Kenya ah.
Warbaahinta maxaliga ah ayaa warkaan kasoo xigtay odayaal dhaqameedyo ku sugan magaalooyinka Bu'aale iyo Ceel Cadde, koonfurta Soomaaliya, kuwaasi oo ku baxay soo deysmada howladeenada caafimaad.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Dr Herera Corea, oo qaabilsan cudurada guud iyo Dr Landy Rodriguez, oo qaliinka ah, lagu hayo magaalooyinkaasi hoostaga maamul goboleedka Jubaland.
Odayaasha oo kasoo kaal jeeda Mandera iyo Buulaxaawo – Soomaaliya – ayaa isla markiiba la afduubtay dhakhaatiirta ku baxay kiiskaan si ay ugala xaajoodaan Shabaab in ay xorriyadooda helaan.
Sidda ay ku warameyso saxaafada Kenya, odayaasha ayaa xaqiijiyey in dhakhaatiirta ay nooshahay, isla markaana ay codsanayaan in la bixiyo wax kasta oo ay uga soo bixi karaa gacanta Shabaabka.
La haystayaasha ayaa ku howlgalayey heshiis gaar ah oo dhex-maray dowladaha Cuba iyo Kenya oo ku saabsan in dhulalka baadiyaha ah la gaarsiiyo adeegyada caafimaad ee bulshadu u baahan tahay.
Kadib markii uu falku dhacay 22-ka bishii April 2019-kii, dakhaatiirka Cuba ee ku sugnaa magaalooyinka Wajir, Lamu, Garissa iyo Tana River ayaa dib loogu yeeray sababo la xiriira dhanka amaanka.
Dakhaatiirta ayaa tan iyo xilligaasi waxaa loo wareejiyay degaano kale halkaasi oo amni ahaan kaga wanagasan tahay meelaha laga soo raray, sidda uu Boolisku sheegay.
Maalintii uu dhacayey afduubka, dabley ayaa joojisay gaariga ay ku socdaalayeen shaqaalaha caafimaad kahor inta aysan rasaas ooda uga qaadin halkaasi oo uu ku dhintay askari ilaalo u ahaa.
Goobjoogeyaal ayaa waxay xaqiijiyeen in kooxaha hubeysan ay u baxsadeen dhanka Soomaaliya, isla markaana ay horey wateen gaarigii lagu galbinayey dakhaatiirta.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay dowladda Kenya odayaal u dirto Al-Shabaab si ay u soo daayaan dalxiiseyaal ama shaqaalo kale oo ay kooxdu afduubatay.
Intaasi waxaa wehlisa in ay jirto gabar kale oo kasoo jeeda dalka Talyaaniga oo lagu afduubtay gobolka Waqooyi Bari Kenya, taasi oo illaa iyo haatan aanan war laga heyn.
Hadii ay suurtogasho in ay dhakhaatiirtaan lasoo daayo, waxay caddeyn u noqoneysaa tuhuno horey u jiray oo ku aadanaa in Al-Shabaab iyo xukuumada Nairobi uu ka dhaxeeyo cilaaqaad hoose.
Sheekh Cali Dheere, afhayeenka Al-Shabaab, ayaa mar sii horeysay waxa uu qiray in ay Kenya kula jiraan is-afgarad balse ay laaleen markii ciidamada wadankaasi ay soo galeen gudaha Soomaaliya 2011-kii.
Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa duulaano khasaaro badan dhaliyay waxay ka fulisay gudaha Kenya oo uu ugu dambeeyay weerarkii DusitD2, halkaasi oo lagu dilay in ka badan 20 ruux oo ay ku jiraan ajaaniib.
Caalamka ayaa horey u mamnuucay in wax gorgortan ah lala galo kooxaha argagixisada ah. Balse arrintaan waxaa la sheegayaa in ay daaha ka qaadi doonto xaqiiqo kharsoon oo ku aadan nooca xiriir ee Kenya-AlShabaab.
GAROWE ONLINE