Afduubkii sababay in ciidamadda Kenya ay soo galaan Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Sheeko walba bilow iyo dhamaad ayay leedahay. Iyaddoo ciidanka Kenya la filayo in ay ka baxaan Soomaaliya, maxay ahayd dhacdadii kol hore ku kaliftay? Waxaan dib ugu laabaneynaa in ka badan tobban sano kahor.

Waa afduub dhacay bishii September 10-keeda, sanadkii 2011. Goobta waa Kiwayu, 75 KM dhanka waqooyi ka xigta magaala xeebeedka Lamu. Kahor falkaan, waxay ahayd meel ay kusoo hirtaan dalxiiseyaal kol dambe ka caagay.

Qoraa David Tebbutt iyo xaaskiisa Judith oo British ah ayaa booqdey Lamu, waxaana ay maalintooda ku qaateen halkaas. Talaabo muujineysa in ay wadashaqeyn jirtay, Al-Shabaab waxay heshay xogta dalxiiseyaasha.

Cabsida in kooxda weeraro ka fuliso Kenya waxay sii korortay markii ay beegsatay huteel ku yaala caasimada ku meelgaarka Jubaland ee Kismaayo 2010-kii isla markaana ay agab halkaas yaalay horey u sii qaateen maleyshiyadda.

Inkasta oo horey ay caan ku ahaayeen afduubashada maraakiibta, haddana xoogaga xilligaas wixii ka horeeyay cid kuma afduuban dhulka Kenya. Dowladda oo dhayal-satay halista waxay huteelada kula talisay in feejignaadaan.

Wargeyska Daily Nation ayaa ku waramay in huteelada loo ogolaadey in ay kireystaan ciidamadda ammaanka si ay ugala shaqeeyaan nabad-sugida iyo hadii ay weeraro kala kulmeen argagixisada.

Saq dhexe xilli qof walba hurdayo, dabley Al-Shabaab ayaa batilmaameedsatay huteelkii ay deganaayeen dalxiiseyaasha; Tebbutt ayay si qasab ah uga soo saareen qolka iyagoo dhanka Kismaayo kula aadey Doon dheereysa.

Afduubkaas ayaa sababay dhacdooyin ammaan oo isku xig-xigay, kuwaasoo ugu dambeyntii Kenya ku riixay in ay ku dushay ciidda Soomaaliya. Lix todobaad kadib, ciidamadeeda waxay kasoo talaabeen xuduudka, ogolaansho la'aan.

Kolkii hore ku talogalkooda wuxuu ahaa in ay soo badbaadiyaan David Tebbutt iyo laba Yurubiyaan kale ah oo laga afduubtay magaaladda Dhadhaab. Hase ahaatee, xaalada waa ay sii cuslaatay, iyagoo markii dambe ku biiray AMISOM.

Aakhiritaankii waxay kusoo biyo-shubatay mashruuc ah in ay doonayaan in ay Jubaland u noqoto meel ay isaga difaacaan weeraradda Al-Shabaab.

Tobban sano kadib, burburka dhaqaalihii dalxiiska, dhimashada shacab si lamid ah askar iyo waxyeelo ammaan waa max-suulka Kenya ay ka heshay soo gelitaanka ciidamadeeda ee Soomaaliya, walina waxay ku taagan tahay joogitaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM