Afhayeenka Baarlamaanka Itoobiya oo si lama filaan ah isku-casishay

Image

ADDIS ABABA - Afhayeenka Gollaha Baarlamaanka ee wadanka Itoobiya, marwo Muferiat Kamil ayaa saacado kahor oo maanta oo Talaado ah waxay ku dhawaaqday ka degtay xilkii ay haysay sanadihii udambeeyay.

Mudanayaasha soo xaadiray Fadhiga Sharcidejinta dalkaan ku yaala Geeska Afrika ayaa ka aqbalay soo jeedinta Kamil, taasi oo siyaasadda Itoobiya galaan-gal faro badan ku leh.

Is-casilaadaan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xiliMuferiat Kamil loo magacaabay Wasiirka Nabadda, taasi oo ah Wasaarad cusub oo uu sameeyay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

Marwo Kamil ayaa la filayaa inay dhowaan xilkaan la wareegto, xili sameynteeda ay imaanayso iyadda oo gobolku ka socdo dadaalo lagu soo afjaro colaadaha gaamuray ee jira.

Muferiat Kamil oo ay siyaasi rug-cadaa ah ayaa sidoo kale ah Gudoomiyaha SEPDM, kaasi oo kamid ah afarta xisbi ee uu ka sameysan yahay Isbaheysiga ka arrmiya Itoobiya ee loosoo gaabiyo EPRDF.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xubno Daacish oo ku tababartay Soomaaliya oo Itoobiya qabatay iyagoo Qorsheynayeen Weerarro Argagixiso 

Warbixinta sirdoonka Itoobiya ayaa muujisay in la tuhunsan yahay in eedeysanayaasha ay tababar milatari ku qaateen Puntland.

  • Afrika

    17-07-2025

  • 05:13AM

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Shaqada ka Joojiyay Wasiirka Booliska kadib Eedeymo culus

Waxaa la filayaa in baaritaanka guddiga uu saameyn ballaaran ku yeelan doono kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha amniga iyo hufnaanta dowladda.

  • Afrika

    14-07-2025

  • 12:16PM