Ajaaniib uu Covid-19 ku xayiray Soomaaliya oo dalkooda lagu celiyey

Image

HARARE, Zimbabwe – Muwaadiniin u dhashay dalka Zimbabwe oo Coronavirus uu ku xayiray Soomaaliya ayaa dalkooda lagu celiyey, sidda uu sheegay John Mangwiro, wasiir ku xigeenka caafimaadka.

Wallow uusan soo bandhigin tiradda iyo meelaha kale oo ay Soomaaliya ka joogeen, Mangwiro ayaa xaqiijiyey in ay kamid ahaayeen Sagaal kun oo muwaadiniin ah oo caalamka ku go'doomay.

Sidoo kale, ma shaacin shaqooyinka ay ka hayeen gudaha Soomaaliya iyo in ay kamid ahaayeen diblumaasiyiin ama mas'uuliyiin.

Marka laga hadlayo wadamadda Afrika ee muwaadiniinta Zimbabwe ku xayirmey Covid-19 dartiisa waxaa kamid ah; Mozambique, Zambia, Malawi, DRC, Nigeria, South Sudan, Sudan, Guinea, Egypt, Ethiopia, Somalia, Lesotho, Togo, Tanzania, Ethiopia, Namibia, Cameroon iyo Swaziland.

"Dhamaantooda waxaan rajeynaynaa in aan sidda ugu dhaqsiyaha badan ku dejino huteel gaar ah lana marsiiyo tijaabadda caafimaad si loo hubiyo in ay bad-qabaan," ayuu u sheegay warbaahinta.

Gudaha Zimbabwe ayaa laga xaqiijiyey 391 kiisas oo ah Coronavirus, 62 kale oo ka bogsatay iyo laba ruux oo u geeriyooday caabuqa.

Tan iyo markii uu dilaacay xanuunka, wadamada aduunka ayaa aad ugu mashquulay siddii ay u daad-gureyn lahaayeen muwaadiniinta ku xayirmay dalalka caalamka "si ay uga badbaadaan khatarta cudurka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM