Ajaaniib uu Covid-19 ku xayiray Soomaaliya oo dalkooda lagu celiyey

Image

HARARE, Zimbabwe – Muwaadiniin u dhashay dalka Zimbabwe oo Coronavirus uu ku xayiray Soomaaliya ayaa dalkooda lagu celiyey, sidda uu sheegay John Mangwiro, wasiir ku xigeenka caafimaadka.

Wallow uusan soo bandhigin tiradda iyo meelaha kale oo ay Soomaaliya ka joogeen, Mangwiro ayaa xaqiijiyey in ay kamid ahaayeen Sagaal kun oo muwaadiniin ah oo caalamka ku go'doomay.

Sidoo kale, ma shaacin shaqooyinka ay ka hayeen gudaha Soomaaliya iyo in ay kamid ahaayeen diblumaasiyiin ama mas'uuliyiin.

Marka laga hadlayo wadamadda Afrika ee muwaadiniinta Zimbabwe ku xayirmey Covid-19 dartiisa waxaa kamid ah; Mozambique, Zambia, Malawi, DRC, Nigeria, South Sudan, Sudan, Guinea, Egypt, Ethiopia, Somalia, Lesotho, Togo, Tanzania, Ethiopia, Namibia, Cameroon iyo Swaziland.

"Dhamaantooda waxaan rajeynaynaa in aan sidda ugu dhaqsiyaha badan ku dejino huteel gaar ah lana marsiiyo tijaabadda caafimaad si loo hubiyo in ay bad-qabaan," ayuu u sheegay warbaahinta.

Gudaha Zimbabwe ayaa laga xaqiijiyey 391 kiisas oo ah Coronavirus, 62 kale oo ka bogsatay iyo laba ruux oo u geeriyooday caabuqa.

Tan iyo markii uu dilaacay xanuunka, wadamada aduunka ayaa aad ugu mashquulay siddii ay u daad-gureyn lahaayeen muwaadiniinta ku xayirmay dalalka caalamka "si ay uga badbaadaan khatarta cudurka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aamusnaanta Midowga Afrika ee qorshaha Masar ay ciidamo ugu dirayso Soomaaliya oo su’aalo dhalisay

Qorshaha ciidamada Masar ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli ay sii xoogaysanayaan loollanka istaraatiijiyadeed ee Masar iyo Itoobiya.

  • Afrika

    26-10-2026

  • 05:20AM

Ruushka oo Uganda siinaya taageero milatari oo dhan $53 milyan

Qalabkan ayaa la filayaa inuu sare u qaado awoodda ciidamada Uganda ee ilaalinta biyaha iyo ka jawaabista xaaladaha amni.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:58AM