Al-Bashiir oo wajahaya dacwad dil toogasho loogu xukumi karo

Image

KHARTUUM, Sudan – Hogaamiyihii mudada dheer xukumayey Suudaan, ayaa maanta loosoo taagay maxkamad ku taala Khartuum eed ku saabsan inqilaabkii milatari ee xukunka uu ku qabsaday 30-sano kahor.

Cumar Xasan Al-Bashiir oo horey loogu helay dambi musuqmaasuq ayaa wajihi kara dil toogasho hadii ay ku cadaato afgembigii 1989-kii.

Tobanaan kale oo mas'uuliyiin hore ah ayaa la rajeynayaa in dacwadan ay ku wehliyaan 79-sano jirkaan la riday sanadkii 2019-kii.

Isu soo baxyo ay sameeyeen dadweynaha oo bilowday dhamaadkii 2018-kii ayaa dhabaha u xaarey isbedel ka dhaca dalkan Carbeed.

Bishii April sanadkii 2019-kii, milatariga waddankaas ayaa ku dhawaaqay in uu xilka ka qaadey Al Bashiir isla markaana uu xiray.

Dowlad ku meelgaar ah oo isugu jira milatari iyo rayid ayaa bishii August la yagleelay, taas oo illaa iyo haatan talada dalka haysa.

Al-Bashiir waxaa sidoo kale doon-dooneysa Maxkamada Dambiyadda Caalamiga ah, taas oo ku haysata xasuuqii ka dhacay gobolka Darfur. Bishii Febraayo, mas'uuliyiintu waxay sheegeen ku wareejin doonan ICC.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM