Al-Bashiir oo wajahaya dacwad dil toogasho loogu xukumi karo

Image

KHARTUUM, Sudan – Hogaamiyihii mudada dheer xukumayey Suudaan, ayaa maanta loosoo taagay maxkamad ku taala Khartuum eed ku saabsan inqilaabkii milatari ee xukunka uu ku qabsaday 30-sano kahor.

Cumar Xasan Al-Bashiir oo horey loogu helay dambi musuqmaasuq ayaa wajihi kara dil toogasho hadii ay ku cadaato afgembigii 1989-kii.

Tobanaan kale oo mas'uuliyiin hore ah ayaa la rajeynayaa in dacwadan ay ku wehliyaan 79-sano jirkaan la riday sanadkii 2019-kii.

Isu soo baxyo ay sameeyeen dadweynaha oo bilowday dhamaadkii 2018-kii ayaa dhabaha u xaarey isbedel ka dhaca dalkan Carbeed.

Bishii April sanadkii 2019-kii, milatariga waddankaas ayaa ku dhawaaqay in uu xilka ka qaadey Al Bashiir isla markaana uu xiray.

Dowlad ku meelgaar ah oo isugu jira milatari iyo rayid ayaa bishii August la yagleelay, taas oo illaa iyo haatan talada dalka haysa.

Al-Bashiir waxaa sidoo kale doon-dooneysa Maxkamada Dambiyadda Caalamiga ah, taas oo ku haysata xasuuqii ka dhacay gobolka Darfur. Bishii Febraayo, mas'uuliyiintu waxay sheegeen ku wareejin doonan ICC.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM