Al-Qahtani oo "dhambaal qaas ah" gaarsiiyey Uhuru Kenyatta

Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Ergayga Qadar ee arrimaha xalinta khilaafaadka, Dr Mutlaq bin Majed Al-Qahtani, ayaa Arbacada maanta ah wuxuu gaarey caasimadda waddanka Kenya ee Nairobi.

Al-Qahtani ayaa la kulmay madaxwayne Uhuru Kenyatta. Diblumaasiga wuxuu Kenyatta ku wareejiyay dhambaal uu ka siday Amiirka Qadar, Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani.

Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Twitter-ka Madaxtooyada Kenya ayaa lagu sheegay in Kenyatta uu aad ugu faraxsan yahay booqashadda wakiilka Dooxa.

"Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee magaalada Nairobi wuxuu ku guddoomay dhambaal qaas ah kana amiirka dowlada Qatar, mudane Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Dhambaalka Amiirka waxaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey Dr Mutlaq bin Majed Al-Qahtani, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawladda Qatar ee la-dagaallanka argagixisada iyo dhexdhexaadinta xallinta khilaafaadka".

Hasa ahaatee, fahfaahin buuxda loogama bixin qoraalka Madaxtooyadda Kenya waxa uu ku saabsan yahay dhambaalka iyo haddii uu yahay mid khuseeya arrimaha Soomaaliya.

Al-Qahtani ayaa Sabtida todobaadkan wuxuu socdaal ku tagay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho halkaasoo uu kula shiray madaxda Soomaaliya iyo hogaamiyeyaasha mucaaradka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM