Al-Shabaab oo afduub ka geystay gobolka waqooyi barri ee Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Saraakiisha gobolka waqooyi barri ee Kenya ayaa sheegay in dabley looga shakisan yahay Al-Shabaab ay habeenimadii Talaadada afar qof ka afduubteen ismaamulka Wajeer.

Shaqsiyaadka la qafaashay ayaa lagu tilmaamay shaqaale ku howlanaa dhismaha wadada isku xirta degaanadda Riba iyo Konton.

Cumar Beeja, gudoomiyaha bariga Wajeer, ayaa Arbacadii u sheegay wariyeyaasha in afduubka uu si gaar ah kaga dhacay tuuladda Wel Garas.

Howlwadeenada ayaa xiligga la qafaalanayey watay gaadiid iyo cagaf-gagaf, waxaana kaliya "ka badbaadey" darawalka.

Sidda laga soo xigtay Cumar, darawalka ayaa baxsaday markii dableydu waydiistay in uu ka jawaabo telefoon u soo dhacay.

Ciidamadda Difaaca Kenya oo loo daabulay meesha ay wax ka dhaceen ayaa ku raad-jooga kooxaha hubeysan.

Illaa iyo haatan ma cadda halka lagu hayo shaqaalaha, wallow warar soo baxaya ay qeexayaan in dhanka Soomaaliya loo watay.

Al-Shabaab ayaa weeraro iyo afduub ka geysata waqooyi barri Kenya, waxaana tan iyo bartamihii sanadkan gacanteeda ku jira laba dhakhtar oo u dhalatay Cuba iyo haweenay kasoo jeeda Talyaaniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya iyo Ruushka oo heshiis ka gaaray joojinta qorista muwaadiniinta Kenya ee ciidamada Ruushka

Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo Kenya ay walaac ka muujisay wararka sheegaya in muwaadiniinteeda lagu qortay ciidamada Ruushka.

  • Afrika

    31-10-2026

  • 05:16AM

Itoobiya oo si degdeg ah u soo iibsatay diyaarado dagaal xilli ay ka cabsi qabto weerarro dibadeed

Nidaamka difaaca cirka ee S-400 ayaa isna loogu talagalay inuu ogaado oo ka hortago diyaaradaha iyo gantaallada cadowga ee hawada ku jira.

  • Afrika

    29-10-2026

  • 06:56AM