Dhakhaatiir u dhashay dalka Cuba oo lagu qafaashay dalka Kenya

Image
Image

NAIROBI, Kenya – Dabley la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa laba dakhaatiir oo reer Cuba ah ay ka afduubatay magaalada Mandera ee ku dhow xuduudka Soomaaliya iyo Kenya, maanta oo Jimco ah.

Weerarka oo dhacay subaxnimadii maanta ayaa yimid markii la beegsaday gaari ay la socdeen dakhaatiirta iyo ilaaladooda oo kusii jeeday Isbitaalka Guud ee magaalada Mandera.

Sidda laga soo xigtay goobjoogayaal, ragga falka sameeyay oo watay laba gaari oo nooca raaxada ah ayaa isku hor-jaray baabuurka ay ku socdaalayaan dakhaatiirta, kadib rasaas ayaa dhalatay.

Dableyda ayaa la sheegay in ay dishay sarkaal Boolis ah oo waardiyeynayay howlwadeenada caafimaad, inkasta oo aanan lasoo warin wax dhaac ah oo ka dhashay howlgalkaasi oo uu ka fal-celiyay Booliska.

David Ohito, agaasimaha warbaahinta ee ismaamul goboleedka Mandera ayaa shaaciyay in ay tuhmayaan in dhakhaatiirta la qafaashay lala soo aaday dhinaca wadanka dariska ah ee Soomaaliya.

"Waxaa socda dadaalo aan dooneyno in aan kusoo furano," ayuu raaciyay, isaga oo aanan soo bandhigin koox gaar ah oo ay dusha u saarayaan weerarkaasi oo noqonaya mid kamid ah kuwii ugu dambeeyay ee noociisa ah.

Balse warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warameysa in dableyda ay ka tirsan yihiin xoogaga Al-Shabaab ee cilaaqaadka la leh Urur-waynaha AL-Qaacida.

Taliska Booliska ayaa shaaciyay in ay gacanta ku hayaan darawalka gaariga ay la socdeen dhakhaatiirta, ayna wax ka waydiinayaan hadii wax ka ogaa dhacdadaan.

Dhakhaatiirta la afduubtay oo kala ah; Landy Rodriguez [qaliinka] and Herera Correa [cudurada guud] ayaa sanadkii hore yimid wadanka Kenya si ay uga fuliyaan howlo caafimaad.

Sarkaal kale oo ka baxsaday weerarka ayaa la sheegay in u baxsaday dhinaca Soomaaliya, halkaasi oo si lamid ah laamaha amaanka rumeysan yihiin in ay u baxsadeen dableyda.

Dhakhaatiirta la afduubtay ayaa kamid ah 100 dhakhtar oo dowladda Cuba u soo dirtay Kenya kadib codsi loo diray si ay adeegyo caafimaad gaarsiiyaan gobolada fog-fog ee miyiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaabiis Soomaali kamid tahay oo sugaya in lagu fuliyo dil dalka Sacuudiga

Liiska magacyada la helay oo ay ku jiraan 43 Itoobiyaan iyo 13 Soomaali ayaa muujinaya tirada la xukumay.

  • Afrika

    29-06-2025

  • 09:12AM

Burkina Faso oo $18 Bilyan Ka Heshay Macdanta Dahabka Tan iyo Markii Ibrahim Traoré Xilka La Wareegay

Si kastaba ha ahaatee, khubarada qaar ayaa su’aalo ka keenay daahfurnaanta iyo sida dhab ah ee dakhligaas loo maareeyo.

  • Afrika

    28-06-2025

  • 08:08AM