Al-Shabaab oo gaadiid ku gubtay weerar ay ka geysatay Kenya

Image
Image

NAIROBI, Kenya – Dagaalameyaal looga shakisan yahay ururka Al-Shabaab ayaa Axadii weeraray shaqaale dhismo ku wadda ku taala gobolka Lamu ee dalka Kenya, sidda ay warisay saxaafadda.

Duulaaka ayaa si gaar ah kaga dhacay naaaxiga xeradda H Young & Co's oo hoostagta degaanka Milihoi.

Shirkadda H Young ayaa ku guuleystay dhismaha jidka 135 kilomitir ah oo isku xira Lamu iyo Garsen.

Irungu Macharia, taliyaha bileyska gobolka, ayaa sheegay in weerarka uusan ka dhashay khasaaro dhimasho, balse ay jirto waxyeelo maaliyadeed oo qaar kamid ah qalabka soo gaarey.

"Maleeyshiyaadka argagixisadda oo aad u hubeysanaa waxay gubeen gaadiid loogu talagalay dhismaha wadada oo isugu jira; mid xamuul ah iyo cagaf-cagaf," ayuu u sheegay Daily Nation.

Gaadiidka ayaa lagu gubay bam-gacmeed, sidda uu ka dhawaajiyey sarkaalka, oo raaciyey in darawalkii baabuurka xamuulka iyo hagihii cagaf-cagafta ay ka baxsadeen goobta.

"Waxay isku qariyeen duurka illaa iyo ay ka yimaadeen ciidamadda ammaanka si ay u badbaadiyaan," ayuu tibaaxay.

Weerarkaan ayaa imaanaya iyaddoo Kenya ay heegan gelisay ciidamadeeda kadib markii ay tan iyo bilowga sanadka 2020 ay kordhisay weeraradda ay ka fuliso gudaha dalkaan dhaca Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweenay Itoobiyaan ah oo 12 sano sugaysay ubad ayaa dhashay shan mataano ah

Bedriya ayaa sheegtay inay farxad weyn dareemayso kadib sannado badan oo ay la daalaa dhacaysay sugitaanka ubad.

  • Afrika

    08-05-2026

  • 07:15PM

Madaxweyne Salva Kiir oo Eryay Taliyihii Ciidanka iyo Wasiirkii Maaliyadda

Dalkan oo ah midka ugu da'da yar Afrika, ayaa tan iyo iyo markii ka go'ay Sudan wuxuu lugaha kula jiraa dagaalo.

  • Afrika

    07-05-2026

  • 08:29PM