Al-Shabaab oo gaari ah bas ah ku weerartay gobolka Lamu ee Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Maleeyshiyo looga shakisan yahay kooxda Al-Shabaab ayaa weeraray gaari ku socdaalayey gobolka Lamu ee dalka Kenya.

Baska ayaa la beegsaday isagoo maraya degaanka Nyongoro, maanta oo Khamiis ah, sidduu sheegay bileyska oo tafaasiil kooban bixiyey.

Irungu Macharia, taliyaha bileyska Lamu, ayaa u sheegay wargeyska Daily Nation in Baska uu kasoo baxay Mombasa kuna sii jeeday ismaamulkooda.

Ma cadda khasaaraha guud ee ka dhashay weerarka.

Bishii December, 2019, weerar jid gal ah oo Al-Shabaab ay ku beegsatay gaari bas ah oo marayey gobolka Wajeer ayaa lagu dilay toban ay ku jiraan saraakiil boolis iyo shacab.

Kenya ayaa la daalaadhaceysa weeraro ka yimaada Al-Shabaab tan iyo markii ciidamadeeda ay ku biireen howlgalka AMISOM.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku celceliyey in ciidamadda dalkiisa aysan ka bixi doonin Soomaaliya inta xididaha laga adkaanayo ururkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM

WAR CUSUB: Congo oo diiday Qunsul ay Kenya u dirtay magaalada Goma oo Mucaaradka haysto

Fallaagada M23, oo marar badan lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah, ayaa sanadkan ku fiday dhul ballaaran oo ku yaalla bariga Congo.

  • Afrika

    17-08-2025

  • 01:51PM