Al-Shabaab oo afduubatay askar ka tirsan booliska Kenya
NAIROBI, Kenya – Saddex xubnood oo ka tirsan Booliska Kenya gaar ahaan kuwa keydka ah ayaa lagu waramayaa in dabley looga shakisan yahay Al-Shabaab ay kala baxday guryahooda, saqdii dhexe ee xalay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnahaasi laga afduubtay tuuladda Qorof Harer oo hoos-timaadda maamul goboleedka Wajeer ee Waqooyi Bari waddanka dhaca Geeska qaaradda Afrika.
Taliska Booliska Kenya wali kama uusan hadlin dhacdadani oo dadka degaanku sheegayaan in aysan ogeyn sababta ka dambeysa.
Qafaalashada ayaa kusoo beegmeysa iyadda oo todobaadkan hay’addaha amaanka ay ka digeen "aargoosi" ka yimaadda kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida markii la weeraray saldhigooda.
Xerada la beegsaday oo ku taala gobolka Wajeer ayna ku sugnaayeen 40 dagaalame ayaa waxay ciidamada kasoo furteen hub iyo walxo qarxa oo ay soo qabteen.
Saraakiisha amniga ayaa xaqiijiyey in Al-Shabaab ay u qabatay muddo 24-saacadood ah si ay u soo celiyaan hubkaasi "hadii kalena ay beegsan doonan dadka degaanka ee ku dhaqan sohdinta Soomaaliya".
Sababo la xiriirta hanjabadaasi, waxaa loo hakiyey isu socodkii gaadiidka magaalooyinka Nairobi iyo Garissa. Maalin kadib, waxaa jidka loo galay gaari wallow aysan dhimasho ka dhalan.
Khamiistii, bileyska ayaa laga soo xigtay in saddex rag oo Miino ku aaseysay gobolka Lamu ay ku dhinteen qaraxii ay u duugayeen xoogaga dowladda Kenya.
Kenya ayaa la halgameysa baacsiga xoogaga Al-Shabaab tan iyo markii ay ciidamada dalkaasi soo galeyn Soomaaliya iyaga oo aanan qayb ka ahayn AMISOM balse ay dib kaga biireen.
Gobolada Jubooyinka oo ay Soomaaliya kaga sugan yihiin ayaa la sheegaa in ay ka geystaan tacadiyo ka dhan ah shacabka, taasi oo maamulka iyo dowladda ay ku guuldareysteen in ay xal u helaan.
GAROWE ONLINE