"Al-Shabaab" oo in ka badan 50 qof ku gowracay waqoyga Mozambique

Image

NAIROBI, Kenya – Maleyshiyo hubeysan ayaa in ka badan 50 ruux ku gowracdey gobolka waqoyga waddanka Mozambique ku yaala ee Cabo Delgado, sidda ay Talaadada maanta ah tabisay war-fidiyeenka maxaliga ah.

Bogga Club of Mozambique oo soo xigtay illo wareedyo kala duwan balse uusan magcyadooda shaacin ayaa tilmaamay in dagaalameyaasha ay falkaan fuliyeen kadib weeraro ay tuulooyin ku ekeeyeen Jimcadii iyo Axadii.

Mareegga The Pinnacle News ayaa wuxuu intaas ku daray in xoogaga ay garoon kubadda cagta ah u baleen aag ay ku khaarijiyeen dadka ka caraya degaanka isla markaana goobtaas ay ku xasuuqeen kontonkaas ruux.

Dableyda, oo la rumeysan yahay in ay gacansaar la leeyihiin Daacish, ayaa falalka guracan kawada waqoyga Mozambique tan iyo 2017-kii, waxaana ay dileen isla markaana barakiciyeen boqolaal xilli ay qabsadeen magaalooyin.

Kooxdan ayaa gudaha Mozambique looga yaqaanaa Al-Shabaab, balse wax xiriir ah lama lahan ururka hubeysan ee ka dagaalama Soomaaliya.

Hogaankooda ayaa xusay in ay doonayaan in ay waqoyga Mozambique ka aas-aasaan khilaafo Islaami ah oo dadka ka saarta saboolnimada iyo shaqo la'aanta balse waa xeelad ay ku qoranayaan dagaalameyaal badan.

Dowladda Mozambique ayaa si ku celcelis ah ugu adkeystay in ay ku dedaaleyso sidii ay wax uga qaban lahayd ficilada argagixiso ee maleyshiyadda.

Wadamada deriska la ah Mozambique oo sheegay in ay cambaareynayaan ficilada xagjirnimo ee maleyshiyada ayaa taageero u balanqaadey xukuumadda Maputo, wallow illaa haatan dhankooda aysan qaadin talaabo muuqata.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM

Midowga Afrika iyo IGAD oo wada Dadaallo Lagu Badbaadinayo Heshiiska Nabada South Sudan

Waxaa sidoo kale la is weydiinayaa in wafdigani ay fursad u heleen la kulanka Madaxweyne Ku Xigeenka Koowaad Riek Machar.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 08:34AM