Al-Shabaab oo lix qof ku gowracdey tuulooyin ku yaala Kenya

Image
Xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa sidoo kale waxay sheegtay inay burburiyeen lix guri.

NAIROBI, Kenya - Wargeyska Daily Nation ee Kenya ayaa soo sheegaya dil fool xun ay maleeshiyada Al-Shabaab ka geysteen laba tuulo oo ku taal gobolka xeebta ee Lamu fiidnimadii Sabtida.

Dagaalameyaasha hubeysan ayaa la sheegay in dadkaasi ay qoorta kaga gooyeen tuulooyinka Salaama iyo Juxudi. Muuqaalo ku faafay internet-ka ayaa muujiyey xaalad halis ah.

Dhibanayaasha ayaa dhamaantood rag ah waxaana ku jira arday dhigta dugsi sare kaas oo gurigooda u yimid fasax. Waalidkiisa waxay sheegeen in wiilkooda uu ahaa qof wanaagsan.

Xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa bartooda Telegram-ka ku sheegay in howlgal ay ka fuliyeen tuulada Juxudi oo u dhaxaysa Mombasa iyo Mpeketoni, halkaas oo ay ku dileen lix qof.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxay sheegtay inay burburiyeen lix guri. Dowladda Kenya ayaa wali wax war ah kasoo saarin falkan oo imaanaya xilli kooxda hubeysan ay wajahayso cadaadis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM